Home Wararka Maanta Kismaayo oo lagu doortay xilibaankii ugu horeeyay ee Aqalka Sare

Kismaayo oo lagu doortay xilibaankii ugu horeeyay ee Aqalka Sare

0

Waxaa Maanta Magaalada Kismaayo ee Xarunta Kumeel gaarka ah ee dowlad Goboleedka Jubbaland ka bilaabatay doorashada qaar kamid ah xildhibaannada Jubbaland, iyada oo Goordhow la doortay Xildhibaankii ugu horreeyay ee Aqalka Sare.

Munaasabadda doorashada oo ay ku sugan yihiin, Xildhibaannada Golaha Wakiilada Jubbaland, guddiga doorashooyinka Heer Federaal & xalinta khilafaadka doorashooyinka ayaa ilaa 9 Musharax waxaa ay ku tartamayaan Afar kursi oo kamid ah Xildhibaannada Aqalka sare ee Baarlamaanka 11aad.

Kursigii ugu horeeyay ee Xildhibaannada Aqalka Sare ayaa waxaa ku tartamay Ilyaas Badal Gaboose oo ku guuleystay kursigaas, isaga oo helay 55 Cod halka Maxamed Axmed Sayid uu helay 17 Cod  1 codna uu halaabay halka Sharmaake Maxamed Cabdi oo kamid ahaa musharixiinta uusan ka qeyb gelin tartanka doorashada.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Jubbaland Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo natiijada doorashada ku dhawaaqay ayaa sheegay in kurigii ugu horreeyay ee Xildhibaannada aqalka sare uu ku leeyahay maamulka Jubbaland uu ku guuleystay Ilyaas Badal Gaboose, isla markaana ay doorashada codeeynayeen 73 Mudane oo ka tirsan Golaha Wakiilada Jubbaland.

Xildhibaanka Aqalka Sare ee Maanta lagu doortay magalada Kismaayo ee Ilyaas Badal Gaboose ayaa xilligii dowladii Madaxweyne Cabdillaahi Yuusuf Axmed waxaa uu noqday Guddoomiyaha Gobolka Jubbada Hoose.

Doorashada ayaa weli sii socota, waxaana jira xubno loo saadaalinayo inay kusoo baxaan doorashada Aqalka sare ee ka socota Magaalada Kismaayo, kuwaas oo u dhow Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleTaliyaha NISA oo Magacaabay Madaxa Shaqada ee Hay’ada nabad sugida
Next articleAkhriso: Madaxweyne Farmaajo oo Dalacsiiyay ku dhawaad 200 Sargaal