Home Wararka Jubbland Beel kamid ah Beelaha Somaliya oo Lacag iyo Xoolo ugu deeqday Ciidanka...

Beel kamid ah Beelaha Somaliya oo Lacag iyo Xoolo ugu deeqday Ciidanka Jubbland + Sawiro

0

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta maamulka Jubbaland oo dagaal xooggan ay la galeen kooxda Al Shabaab wacdaro ugu dhigay, ayaa helay bogaadin iyo taageero uga imaaneysa bulshada ku dhaqan Jubbada Hoose.

Mid kamid ah beelaha dega Jubbaland ayaa taageero iyo garab istaag u muujiyay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta Jubbaland, waxa ayna xubno matalayay odayaasha beeshan ciidamada ugu deeqeen xoolo, raashin iyo lacag caddaan ah .

Wasiirka Wasaaradda Amniga gudaha Jubbaland ayaa odayaasha dhaqanka ee beesha Abaasguul oo kamid ah beelaga dega Jubbaland kala wareegay 20-neef oo geel ah, 50 Ari ah iyo 20,000 oo dollar, oo ay ugu talagaleen in ay ku garab istaagaan ciidamada dagaalka kula jira Al Shabaab.

Odayaasha deeqda kala duwan ku wareejiyay ciidamada Jubbaland ayaana sheegay in ay taageersan yihiin ayna garab taagan yihiin ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ee dagaalka kula jira Al Shabaab, waxa ayna ciidamada u rajeeyeen guulo badan iyo in ay soo afjaraan kooxda Al Shabaab.

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ee dagaalka kula jira Al Shabaab ayaa horey taageero iyo dhiiragalin uga helay bulshada ku dhaqan Kismaayo, gaar ahaan haween iyo dhallinyarro , kuwaa oo ciidamada deeqo kala duwan gaarsiiyay.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay

40 xubnood oo Al-shabaab looga dilay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalada ayaa la tilmaamay

Qaranka Soomaaliya ee 17jirada oo maanta wajahaya dhigooda Xulka Tunisia koobka Qaramada Qaarada Afrika

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka
Ad
Previous articleWar Deg Deg ah: Golaha Wasiirada Oo Ansixiyay Sharci Xasan Shiikh ka Farxiyay
Next articleDowlada Britain oo Xabsi ku Xukuntay Ragii ka danbeeyay Rabshadaha ka socda Dalkaasi