Home Wararka Maanta Duulaanka Iiraan ee Israel Waqtiga uu Dhacayo oo lagu Wargaliyay Wadamada G7...

Duulaanka Iiraan ee Israel Waqtiga uu Dhacayo oo lagu Wargaliyay Wadamada G7 ka tirsan

0

Waxaa jirta cabsi xooggan oo laga qabo in dagaal ka qarxo Bariga Dhaxe , iyada oo si weyn loo hadal hayo nuuca ay noqon karto jawaabta dowladda Iran ay ka bixiso dilkii magaalada Tehran Israa’iil ugu geesatay hoggaamiyihii ururka Xamaas Ismaaciil Haniya.

Mareykanka iyo dowladaha kale ee reer Galbeedka ayaa ka walaacsan duullaan laga cabsi qabo in Iran ku qaado Israa’iil, waxa ayna dowladahaasi garab istaag u muujinayaan maamulka Israa’iil oo wadnaha farta ku hayo kana cabsanaya duullaanka Iran ee kusoo wajahan.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Anthony Blinken, ayaa u sheegay dalalka ay saaxiibka yihiin ee G7 in ay aaminsan yihiin in weerarka dowladda Iran ay doonayso inay ku qaaddo Israa’iil uu bilaaban karo 24 saac ilaa  48 saacadood gudahood.

Anthony Blinken, ayaa xubnaha dhigiisa ee katirsan G7 uu la hadlay ka codsaday in Iran cadaadis lagu saaro sidii ay u baajin laheyd duullaan ay ku qaado Israa’iil, si looga baaqsado dagaal xooggan oo xilligan ka dhaca qeybo kamid ah Bariga Dhaxe.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka, ayaa sheegay in aysan si rasmi u ogeyn saacad uu bilaaban karo duullaan Iran ku qaadeyso Israa’iil , balse ay ogyihiin in Iran ay qorsheeneyso sida ugu dhaqsaha badan in duullaan ku qaado Israa’iil.

Mareykanka ayaa Bariga Dhaxe u diray maraakiib dagaal iyo diyaarado si ay uga difaacaan Israa’iil weerarka uga imaan kara Iran, waxaana la sheegay madaxda ugu sarreysa Iran qallinka ku duugeen weerar aargudasho ah oo lagu qaado Israa’iil oo weerar ka fulisay gudaha Tehran.

Ad
Previous articleJoe Bide oo Saraakiisha Amniga Qaranka Mareykanka Kulan Deg Deg Ah iskugu yeeray
Next articleSaraakiil ka Socota Ruushka oo gaaray Caasimada Iran ee Tehran” isbaheysi ka socda Dunida