Home Wararka Maanta Alshabaab oo Galabtay Lagu Jabiyay Dagaal culus oo lagu Qaaday

Alshabaab oo Galabtay Lagu Jabiyay Dagaal culus oo lagu Qaaday

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta ciidamada Macawiisleyda ay weerar culus ku qaadeen xubno ka tirsan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab oo ku sugnaa galbeedka gobolkaasi.

Macawiisleyda ayaa beegsaday faiirimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen aagga deegaanka Gamboole, waxaana halkaas ka dhacay dagaal toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka deegaanka Gamboole Daahir Maxamed Cismaan ayaa sheegay in howlgalka uu ka dhacay tuulada Moora Ciise, isla markaana khasaare culus lagu gaarsiiyay xubnaha Al-Shabaab ee ku sugnaa halkaasi.

Daahir Maxamed Cismaan ayaa sheegay in dagaalkaas lagu jabiyay Al-Shabaab, isla markaana lagu gaarsiiyay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, sida uu hadalka u dhigay.

“Gaari caasi ah iyo mooto ayay ka carareen, waana jiraa khasaare kale oo dhimasho iyo dhaawacba leh, laakiin horay ayay u qaateen” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenku.

Xaaladda ayaa haatanah mid aad u kacsan, waxaana ciidamada ay isku fidiyeen deegaanada Daarusalaam iyo Jameeco oo u dhow aagga lagu dagaalamay, iyaga oo sii baacsanaya maleeshiyaadka Al-Shabaab ee laga saaray halkaasi.

Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa weli ka socda howlgallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka, kuwaas oo la dagaalamaya Al-Shabaab.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleXildhibaanada Beelaha Daarood oo Maantay Waji Gabax kala Kulmay Xasan shiikh
Next articleISMAACIIL Haniya madaxii Arrimaha Siyaasada ee Xamaas ayaa hadda lagu dilay dalka Iiraan.