Home Wararka Maanta Ciidamada Macawislayda Hiiraan oo Maantay Magaalo Wayn Alshabaab ka saaray Xili Dagaal...

Ciidamada Macawislayda Hiiraan oo Maantay Magaalo Wayn Alshabaab ka saaray Xili Dagaal Culus Bilowday

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saaka ciidamada dowladda Soomaaloya oo kaashanaya dadka deegaanka ay la wareegeen deegaano muhiim ah oo ku yaalla gobolkaas oo dhaca bartamaha dalka Soomaaliya.

Ciidamada huwanta oo ka dhaqaaqay aagga degmada Jalalaqsi ayaa gudaha u galay deegaanada Buurweyn iyo Show oo ka tirsan gobolka Hiiraan, kuwaas oo ay horay ugu sugnaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Guddoomiyaha maamulka degmada Jalalaqsi Nuur Maxamed Absuge (Nuur dheere) oo ka mid ah mas’uuliyiinta howlgalka hoggaaminaya ayaa sheegay inay haatan ku sugan yihiin labadaas deegaan, isla markaana ay ka wadaan howlgallo amni xaqiijin ah.

Nuur dheere oo horay u ahaa sarkaal ka tirsanaa milatariga ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgalladooda, uuna ujeedka uu yahay in Al-Shabaab laga xoreeyo dhulkaasi.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dadka deegaanka inay garab istaagaan ciidamada, isla markaana ay ka qayb qaataan xoreynta gobolka Hiiraan.

Xaaladda deegaanada lala wareegay ayaa hadda ah mid deggan, waxaana fariisimo cusub ka sameystay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee gaaray halkaasi.

Hiiraan ayaa kamid ah meelaha lagu jabiyay kooxda Al-Shabaab, waana halka uu kasoo billowday kacdoonka shacab ee ka dhanka ah maleeshiyaadka Khawaarijta, kaas oo weli ka socda gobollo badan oo kamid ah dalka.

Ad
Previous articleCiidamadii Ugu Badnaa oo Soomaaliland ah oo loo Qaaday itoobiya
Next articleAlshabaab oo Weerar Qaraxyo ku Bilowday Ku qaaday Ciidamada Dowlada o dhawaan Qabsaday Magaaladaan