Home Wararka Maanta War Deg Deg ah:Baarlamaanka Jubaland oo Ansixiyay Go,aan U Hiilinaaya Axmed Madoobe

War Deg Deg ah:Baarlamaanka Jubaland oo Ansixiyay Go,aan U Hiilinaaya Axmed Madoobe

0

Baarlamaanka dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa goordhow isugu yimid kulan aan caadi aheyn, kaasi oo ku saabsan wax-ka-bedelka dastuurka.

Mudaneyaasha golaha ayaa u coddeeyay ansixinta wax ka bedelka qodobo kamid ah dastuurka dowlad-goboleedkaas, kaasi oo loogu gogol xaarayo damaca madaxweynaha maamulkaasi Axmed Madoobe.

Sida ay ogaatay Mudug24, mid ka mid ah qodobada wax ka bedelka lagu sameeyay ayaa waxaa ku jira qodobka 70-aad ee dastuurka maamulka Jubbaland.

Qodobkan ayaa dhigaya in madaxweynaha uu xilka isku-sharaxi karo labo jeer, waxaana qodobkan gebi ahaanba maanta laga saaray meesha.

Sidoo kale waxaa loo guuray qodobka 65-aad, iyada oo laga dhigay in muddada xil-heynta madaxweynaha ay tahay shan sano, u tartamida madaxweynaha ay tahay mid furan oo aan xadidneyn.

Tallaabadan ayaa dhabaha u xaareysa in Axmed Madoobe uu markale isku soo taago xilka madaxtinimo, kaasi oo intii ay jirtay Jubbaland uu ku fadhiyo, lamana oga sida ay wax ku dambeyn doonaan.

Ninkan oo Jubbaland majaraha u hayo tan iyo markii la aas-aasay 2013-kii, ayaa markale isku diyaarinaya inuu isku caano shubi, uuna qabsado doorasho lamid ah kuwii horey uga dhacay Kismaayo.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleSomaliland oo walaac ay qabto u gudbisay dowladda Turkiga
Next articleAskari Shukaansi lagu soo qabtay ee Taliyihiisa Dhaawacay oo Xukun adag lagu riday