Home Wararka Maanta Xasan Sheekh oo ka hadlay wadahadalka la sheegay in ay u furmeen...

Xasan Sheekh oo ka hadlay wadahadalka la sheegay in ay u furmeen DF iyo Shabaab

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo caawa khudbad ka jeediyey munaasabad lagu soo gunaanaday dabaal-degyadii toddobaadka xoriyadda ayaa ka hadlay waxa ka jira wadahadaladii la sheegay in dowladda Soomaaliya ay la fureyso Khawaarijta Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in aysan jirin habayaraatee wax ay dowladdu kala hadli karto Al-Shabaab, isagoo hoosta ka xariiqay in uusan jirin xal aan aheyn in kooxdaasi ay hubka dhigto oo dowladda isku dhiibto.

“Maalmahaan waxaa baraha bulshada qabsatay dowladdu waxay wadahadal la fureysaa Al-Shabaab, waxaan idiin cadeynaa Shabaab iyo anaga wax naga dhaxeeya ma jiraan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Maxaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in kooxdaas aan la toosi karin, dowladuna aysan u baahneyn, “Hadii ay jiri lahaayeen waxyaabo aan dhihi karno sidaan ayaan rabnaa iyo waxaan ayaan idinka qaldan waa la hadli laheyn, waana hor fariisa laheyn,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa balanqaaday hadii Soomaali ay wadahadal la fureyso Al-Shabaab oo wax la isla ogyahay kala hadli doonto dowladdu.

“Hadii la helo wax aan isla qirno waan la hadleynaa, laakiin maanta wadahadalna ma jiro wax naga dhexeeyana ma jiraan weli,” ayuu hadalkiisa ku sii daray madaxweyne Xasan Sheekh.

Ugu dambeyntii madaxweynaha ayaa dadka Soomaaliyeed ka codsaday in shakigaas ay ka baxaan, isagoo u cadeeyey in dowladdu aysan kaligeed qaada doonin go’aan hadii ay noqoto in wadahadal lala furo Khawaarijta.

Doonyo Hub u siday Kooxda Shabaab oo lagu bur-briyay Duqeymo Cirka ah

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa 15-kii Abriil 2025 duqeyn cirka ah ka fuliyay gudaha Soomaaliya, si loo burburiyo hub casri ah oo saarnaa dooni

Dowlada Somaliya oo Sheegtay in 35 Xubnood onShabaab ah lagu dilay Hawlgal ka Dhacay Gobolka Bay

In ka badan 35 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Ciidanka Dowlada oo Kaashanaya kuwa Mareykanka oo Duqeyma ka geestay Aadan Yabaal

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay duqeyn culus oo Xalay fiidkii lagula eegtay gudaha degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab. Howlgalkaan

Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka hadlay Dagaalka Aadan Yabaal ee Ciidanka Dowlada looga saaray

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa si faahfaahsan uga hadlay dagaalka dowladiisa kula jirto kooxda Al-shabaab ee ka socda inta badan gobolada dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh oo u muuqday

Ciidanka Dowlada iyo Kuwa Koonfur Galbeed oo Shabaab kula Dagaalamay Duleedka Baydhabo

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay gaar ahaan degaanka Burjeedka waxa uu dagaal culus ah ku dhex maray Ciidamada Militeriga Soomaaliya iyo kuwa Daraawishta Koonfur Galbeed oo
Ad
Previous articleMaxkamadda sare ee Mareykanka oo Trump ka gaartay go’aan uu Biden ka qeyliyay
Next articleFiqi oo shaacisay qodobka fashiliyey wada-hadalkii ay Ankara kula gashay Itoobiya