Maantay waxa magaalada Muqdisho, gaar ahaan qabuuraha Iskool Buluusiya kabilowday in ay dadku la baxaaan eheladooda ku aasan halkaasi, kuwaas oo sanado kala duwan lagu xabaalay.
Soo bixinta meydadkan ayaa dabo joogta, kadib markii dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay si rasmi u shaacisay iney u baahantay dhulka qabuuraha ee Iskuul Buluusiya .
Masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya, Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliya, Guddoomiye ku xigeenka amniga gobolka Banaadir iyo Culumaa’udiin tagay dhulka Qabuuraha Iskuul Buliisiya ayaa ku baaqay in deg deg qabuuraha lagu saaro dadka ku aasan.
Ehelada ayaa durbadiiba saaka ku xoomay qabuuraha si ay meydadka ugala baxaan walow uu jiray jah wareer baahsan, warbaahinta qaar ayaa ku warrantay in dadka lagu xujeynayay warqado ay lacago siistaan si loogu fasaxo in ay lafaha dadkoodii lasoo baxaan.,
Hasa yeshee Cabdiqani Xasan Xaashi oo kamid ah dadka ay eheladu ugu aasanyihiin qabuuraha Iskool Buluusiya oo BBcda la hadlay aya beeniyay in wax lacag ah la weeydiiayy amaba laga qaaday markii uu dowladda hoose Muqdisho ka qaadanayey warqadda ogolaashaha si uu meeydka eheladiisa ula baxo.