Home Wararka Maanta 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐌𝐚𝐝𝐨𝐨𝐛𝐞 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐬𝐡𝐢𝐫 𝐱𝐚𝐬𝐚𝐚𝐬𝐢 𝐚𝐡 𝐢𝐲𝐨 𝐪𝐨𝐫𝐬𝐡𝐞 𝐜𝐮𝐥𝐮𝐬 𝐨𝐨 𝐁𝐅...

𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐌𝐚𝐝𝐨𝐨𝐛𝐞 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐬𝐡𝐢𝐫 𝐱𝐚𝐬𝐚𝐚𝐬𝐢 𝐚𝐡 𝐢𝐲𝐨 𝐪𝐨𝐫𝐬𝐡𝐞 𝐜𝐮𝐥𝐮𝐬 𝐨𝐨 𝐁𝐅 𝐥𝐚 𝐦𝐚𝐫𝐬𝐢𝐢𝐧𝐚𝐲𝐨 – 𝐗𝐨𝐠

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BF Sheekh Aadan Madoobe ayaa shir-guddoomiyay kulanka banbaxa guddiga joogtada oo ku qabsoomay magaaladda Kismaayo ee xarunta dowlad-goboleedka Jubbaland.

Guddoomiye Aadan Madoobe oo kulanka furay ayaa ugu horeyn xubnaha guddiga joogtada ah kula dardaarmay in maalmaha kulanka uu u socda ay si mira-dhal ah uga doodaan ajendayaasha kalfadhiga shanaad ee Golaha Shacabka.

Xubnaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa ka dooday sida loo wajahayo kulamada guddiga ee maalmahan ka socon doona Kismaayo. Kuwaasi oo looga doodi doono jadwalka kal-fadhiga shanaad ee Golaha Shacabka oo lagu wado inuu furmo bisha soo aadan ee July.

Furitaanka kal-fadhiga shanaad ee baarlamaanka ayaa waxa uu qorshuhu yahay inuu meel-mariyo sharciyo dhor ah oo kamid yhay kan doorashooyinka, guddiga doorashooyinka iyo xeerka lagu dhisayo iyo weliba sharciga axsaabta, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Madaxtooyadda oo gacan ka helaysa guddoonka baarlamaanka ayaa qorsheynaysa in sharciyadan ay marsato baarlamaanka marka la furo kal-fadhiga shanaad, xilli ay Xildhibaannada qaar muujinayaan saluug iyo balamihii hore loo fulin.

Villa Somalia ayaa horey u marsatay baarlamaanka afartii cutub ee dastuurka ee mucaaradka ka qeyliyay iyo heshiiskii Turkiga ee illaa hadda baarlamaanka aqoonin wax ku qoran, kuwaasi oo dhamaantood ku gacan siiyay guddoonka baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaannada iyo Villa Somalia hadda waa isku dhakan yihiin, waxaana la eegayaa cidda uu qorshaheedu u hirgalo.

Ad
Previous articleIsrael oo Duqaysay Iskuulkii Qaramada Midoobay oo ay ka buuxeen barakacayaal Falastiin ah
Next articleDowladda Soomaaliya maxaa uga qorsheysan kursiga loo doortay ee Golaha Ammaanka ?