Home Wararka Maanta Wararkii Ugu danbeeyey Soomaaliya oo madal caalami ah geysay xad-gudubka Itoobiya ee...

Wararkii Ugu danbeeyey Soomaaliya oo madal caalami ah geysay xad-gudubka Itoobiya ee Badda

0

Dowaladda federaalka Soomaaliya oo ka qayb-gashey shirka madasha iskaashiga Shiinaha iyo Carabta ee ka socda magaalada Beijing ee dalka Shiinaha ayaa halkaasi geysay mowqifka dowladda ee xad-gudubka Itoobiya.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo maanta khudbad ka jeediyay shirka 10-aad ee heer wasiir ee madashaasi ayaa caddeeyay in dowladda federaalka ay meel adag ka taagan tahay xad-gudubka xukuumadda Abiy iyo damaca guracan ee lasoo shir tagtay.

Wasiirka ayaa cambaareeyay xad-gudubka Itoobiya ee ka dhanka ah madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya ee ku aadan heshiis beenaadkii ay galeen Abiy Axmed iyo madaxweyne Muuse Biixi.

Heshiiskan oo 1-dii Janaayo ee sanadkaan lagu saxiixay Addis Ababa ayaa waxaa si xooggan uga hortimid dowladda federaalka Soomaaliya, ayadoo dagaal diblumaasiyadeed adag la gashay Itoobiya, kaasi oo cadaadis horleh saaray xukuumadda Abiy oo weli aan ka fuqin damaca guracan ee ku dooneyso badda.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay inay dagaal ka xigto inuu dhaqan-gal noqdo heshiiskaasi oo Itoobiya siinaya qeybo kamid ah biyaheeda.

Itoobiya ayaa raadinaysay inay hesho bad tan iyo 1993-kii markii ay ka go’day Eritrea, taasi oo ka dhigtay dal aan bad lahayn.

Waxay u aragtaa heshiiska Somaliland inuu yahay mid lagu dhimi karo ku tiirsanaanta Jabuuti ee dhinaca badda, inkasta oo Mareykanka, Midowga Yurub, Jaamacadda Carabta iyo Masar oo ay ku muransan yihiin Itoobiya biyo xireenka Niilka Buluugga ah ay ka digeen qorshahan inuu sii huriyo colaadda gobolka.

Si kastaba, heshiiskan ayaa meeshii u xumeyd gaarsiiyay xiriirka labada dal, ayada oo dowladda federaalka Soomaaliya ay xiriirkii diblomaasi u jartay Itoobiya, islamarkaana dalka ka cayrisay safiirkii Addis Ababa u fadhiyey Muqdisho.

Dowladda Uganda oo ku baaqday in dib u heshiisiin loo sameeyo Madaxda Dowladda Federaalka

Dowladda Uganda ayaa ku baaqday in dib u heshiisiin loo sameeyo Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada dalka, si loo soo afjari xiisad siyaasadeed ee ka dhexeysa Dowladda

Doonyo Hub u Siday Shabaab oo lagu Duqeeyay Biyaha Somaliya

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in ay duqeymo dhanka cirka biyaha dalka Soomaaliya taariikhdu markay ahayd Abriil 16, 2025 iyadoo lala kaashanayo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Duqeymahan ayaa

Madaxweynaha Mareykanka oo Kulan la yeeshay Raisal Wasaaraha Israel

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Talaadadan sheegay in wada hadal wax ku ool ah uu la yeeshay Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu. Madaxweynaha Mareykanka ayaa khadka teleefanka kula hadlay Raysal

Dowlada Israel oo Qiratay Dilka Samafalayaal lagu dilay GAZA

Milatariga Israel ayaa sheegay in “fashil xagga xirfadda ah” uu horseeday dilka 15 ka mid ah shaqaalaha gargaarka degdegga ah ee Qasa bishii hore. Baaritaan lagu sameeyay dhacdadan oo ay

Galgaduud oo lagu dilay Taliyihii Hore ee Ilaalada Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa xaqiijinaya in xalay lagu dilay Alle ha u naxariistee Sade Daahir Caanood Gulaafe, taliyihii hore ee ilaalada khaaska ah ee Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug.
Ad
Previous articleXamase Cabdi Bare iyo Safiirkq Dowlada Qadar oo Gaaray Balcad(Sawiro)
Next articleWaa kuma ninka Soomaaliga ee Ingiriiska ku dilay haweeneey waddo lugeyneysay habeen madoow?