Home Wararka Caalamka Israel oo sheegtay in dagaalka uu soconayo sanadka oo dhan

Israel oo sheegtay in dagaalka uu soconayo sanadka oo dhan

0

La taliyaha ammaanka qaranka ra’iisul wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in uu filayo in dagaalka Gaza uu sii socon doono inta ka hartay sanadka.

Tzachi Hanegbi ayaa sidoo kale sheegay in militeriga Israel ay hadda gacanta ku hayaan 75 % dhulka u dhexeeyay Gaza iyo Masar ee loo yaqaan marinka Philadelphia.

Militeriga Israel oo weli wada howlgalkeeda Rafax ayaa sheegay in 3 ka mid ah askartooda la dilay iyadoo 3 kalena ay si xun ugu dhaawacmeen.

Hadalka Hanegbi waxaa uu u muqdaa in Israel aysan diyaar u aheyn in ay u hogaansanto baaqyada caalamiga ee ah in ay xabadjoojin kala xaajoogto Xamaas iyagoo ku beddelenaya in la sii daayo la haystayaasha

Ad
Previous articleCiidamada Booliska Oo Soo Xiray Asmar oo Duubay Muuqaal Soomaali Badan Ka Caraysiiyay
Next articleQarax Ka dhacay Muqdisho iyo Jooxda Daacish oo Sheegatay