Home Wararka Maanta Soomaaliya ayaa ka mid noqotay dalalka ugu sareeya ee laga fuliyo xukumada...

Soomaaliya ayaa ka mid noqotay dalalka ugu sareeya ee laga fuliyo xukumada dilka

0

Tirada dadka xukunka dilka lagu fuliyo ee adduunka ayaa gaartay sanadkii la soo dhaafay ee 2023-kii halkii ugu sareysay. Dalalka Bariga Dhexe ayaa ka mid ah meelaha xukumada dilka ay ka kordheen sida ay sheegtay hay’adda caalamiga ee Amnesty.

Shanta dal ee ugu sareeya ayaa kala ahaa Shiinaha, Iran, Sacuudiga, Soomaaliya iyo Mareykanka. Warbixinta Amnesty ayaa muujineysa in Soomaaliya ay ka horeysa Mareykanka oo ay ku jirta kaalinta afaraad.

Iran oo kaalinta labaada ku jirta waxay fulisay boqolkiiba 74 xukumada dilka. Xukumadaas waxaa ka mid ah kuwa la xiriira maandooriyaha halka Sucuudigana uu yahay 15%.

Tirada guud ee xukumada dilka ee la ogyahay ayaa gaareysa 1,153, waxayna ka dhaceen 16 dal. Sodon boqolkiiba ayey ka badan tahay sanadkii ka sii horeeyay ee 2022-kii.

Ad
Previous articleDoorashadii Puntland ee Sababtay in Dhiig ku Daato oo laisku Raacay in markale laqabto
Next articleGabar kufsi iyo Dil loogaystay oo Goordhow Meydkeeda Laga Helay Gaalkayo iyo Ragii Gaystay oo…