Home Wararka Somaliya Puntland Doorashadii Puntland ee Sababtay in Dhiig ku Daato oo laisku Raacay in...

Doorashadii Puntland ee Sababtay in Dhiig ku Daato oo laisku Raacay in markale laqabto

0

Doorashada qof iyo cod Golayaasha Deegaanka degmooyinka Garowe, Dangoroyo iyo Godab-jiiraan ee Gobolka Nugaal ayaa la isku raacay in la qabto bisha Agosto sanadkan 2024, kaddib shir xalay ay yeesheen Madaxweynaha Puntland, kuxigeenkiisa iyo madaxda 8 xisbi siyaasadeed.

Sanadkii hore ayaa qorshaha ahaa in la qabto doorashada qof iyo cod ee saddexdan degmo, hase ahaatee khilaaf siyaasadeed oo xilligaas taagnaa darteed ay dib ugu dhaceen.

Puntland oo ay horay u qabatay doorashooyin qof iyo cod golayaasha deegaanka ayaa hadda isu diyaarineysa inay mar kale ka qabato degmooyin cusub, iyadoo aanay wali diyaar noqon ama la suuragelin in Muqdisho iyo degmooyinka dowlad goboleedyada kale laga qabto doorasho dadweyne.

Ad
Previous articleAskar Israel ah oo lagu dilay magaalada Rafax
Next articleSoomaaliya ayaa ka mid noqotay dalalka ugu sareeya ee laga fuliyo xukumada dilka