Home Wararka Caalamka Dad badan oo ku dhintay duqeynta Rafax ee maantaÿ

Dad badan oo ku dhintay duqeynta Rafax ee maantaÿ

0

Wasaaradda caafimaadka ee Xamaas maamusho ayaa sheegtay in 21 qof lagu dilay 64 kalena ay ku dhaawacmeen koonfurta Gaza.

Afhayeen u hadlay madaxweynaha Falastiin, Nabil Abu Rideynah ayaa sidoo kale ka hadlay duqeynta maanta ee Rafax isaguu ku tilmaamay “Xasuuq”. Sidaasna waxaa sheegtay wakaaladda wararka ee Wafa

Falastiiniyiin badan ayaa ka qaxaya Rafax iyagoo raadsanaya meelo kumeel gaar ah ay galaan kaddib duqeyta cirka iyo taangiyada Israel.

Dhinaca kale, wasiirka arrimaha dibadda UK, David Cameron ayaa sheegay in duqeynta Rafax ee Axadii ay tahay “mid aad looga walaaco”.

“Waxaan dalbaneynaa in degdeg loo baaro,” ayuu yiri Cameron oo sidoo kale sheegay in uu doonayo in dagaalka la hakiyo, la haystayaasha la sii dayo iyo in loo ogolaado Gaza gargaarka.

Ad
Previous articleXasan Shiikh oo kulan La Qaatay James Swan Xili Xasan iyo Deni oo Uu kala Dab qadaayo
Next articleMarkba lagu duqeeyay Badda Cas oo ku dagay xeebaha Yemen kadib Markii lalahelay Gantaalo