Home Wararka Somaliya Puntland Puntland oo Si Adag uga Hadashay Duqayntii Dowladu Ka Fulisay Gobalka Sanaag

Puntland oo Si Adag uga Hadashay Duqayntii Dowladu Ka Fulisay Gobalka Sanaag

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in howgal ka dhacay buuraha caalmadow ee gobolka Sanaag ay ku dishay in ka badan 20 xubnood oo Al-shababa ka tirsan isla markaana arrintaa ay iska kaashadaan dowladda iyo saaxiibadeeda caalamiga ah balse maamulka Puntland ayaa ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin.

Qoraal ay Puntland soo saartay waxey ku sheegtay inaysan jirin weerar ay ciidamo ka tirsan dowladda dhexe ee Soomaaliya ay ka fuliyeen Buuraleyda Calmadow.

Jawaabtan ayaa timid kadib markii Dowladda Soomaaliya ay sheegtay in duqayn ay iska kaashadeen saaxiibada caalamiga ah, ay ku dileen saddex ka mid ah horjoogeyaasha kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa dowladda dhexe u diray fariin ah iney ka fiirsato hadalo xanafta leh oo ay warbaahinta marineyso.

Ad
Previous articleNetanyahu: “Duqeynta Rafax ka dhacday waa qalad naxdin leh, baaritaan ayaan wadnaa”
Next articleAmaanka Muqdiso oo aad loo adkeeyey kadib Digniintii Maraykanka