Allah u naxriisto Xildhibaan Ibraahim Cabdi Cabdiraxmaan oo caawa kooxo hubeysan la sheegay in ay ku dileen magaalada Muqdishu gaar xaafada Seybiyaano.
Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ka Tacsiyadeeyey Geerida Xildhibaan Ibraahim Cabdi Cabdiraxmaan oo ka Tirsana Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo Caawa Cadowga Khawaarijta Alshabaab ay ku dileen Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka
“Inalilaahi wainna ileeyhi raajicuun
Alle ha u naxariistee Xildhibaan Ibraahim Cabdi Cabdiraxmaan waxa uu door weyn kasoo qaatay nabadda, dib u dhiska Dowladnimada iyo Dib uheahiisinta Bulshada
Waxaan Alle u weydiinayaa in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.
Madaxweyne Laftagareen ayaa Alle uweydiiyey Xildhibaanka in Hoygiisa uu ka yeelo Janatul Firdowsa Ehelka, Qarabada iyo Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeedna uu Samir iyo Iiman uu Alle ka siiyo.
Dagaallamayaal katirsan ururka Shiicada ee Xisbullaah , ayaa lagu soo waramayaa in gudaha u galeen qeybo kamid ah dalka Suuriya, waxa ayna kooxdan weerar ku qaadeen goob ay joogeen ciidamo
Nin muddo labo Maalin ah la weysanaa ayaa Meydkiisa laga helay qol uu ka deganaa Hotelka Mansoor oo ku yaalla Nawaaxiga Isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho. Marxuumka ayaa lagu sheegay