Home Wararka Maanta Xildhibaan Ibrahim Cabdi oo Caawa Muqdisho lagu Dilay

Xildhibaan Ibrahim Cabdi oo Caawa Muqdisho lagu Dilay

0

Allah u naxriisto Xildhibaan Ibraahim Cabdi Cabdiraxmaan oo caawa kooxo hubeysan la sheegay in ay ku dileen magaalada Muqdishu gaar xaafada Seybiyaano.

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ka Tacsiyadeeyey Geerida Xildhibaan Ibraahim Cabdi Cabdiraxmaan oo ka Tirsana Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo Caawa Cadowga Khawaarijta Alshabaab ay ku dileen Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka

“Inalilaahi wainna ileeyhi raajicuun

Alle ha u naxariistee Xildhibaan Ibraahim Cabdi Cabdiraxmaan waxa uu door weyn kasoo qaatay nabadda, dib u dhiska Dowladnimada iyo Dib uheahiisinta Bulshada

Waxaan Alle u weydiinayaa in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

Madaxweyne Laftagareen ayaa Alle uweydiiyey Xildhibaanka in Hoygiisa uu ka yeelo Janatul Firdowsa Ehelka, Qarabada iyo Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeedna uu Samir iyo Iiman uu Alle ka siiyo.

Ad
Previous articleMadaxweyne Dani oo sheegay in danta Puntland ay ku jirto wadajirka iyo qaranimada Soomaaliya
Next articleMadaxweyne Erdogan oo maanta kusii jeeda dalka Iran

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here