Home Wararka Maanta Gaari Alshabaab Hub iyo daawo uwaday oo Galgaduud Lagu Qabtay(Sawiro)

Gaari Alshabaab Hub iyo daawo uwaday oo Galgaduud Lagu Qabtay(Sawiro)

0

Gaari Leylo ah oo la sheegay inuu Alshabaab u siday hub, daawo iyo saanad kale oo ciidan ayaa maanta lagu qabtay soohdinta ay wadaagaan gobollada Sh/Dhexe iyo Galgaduud, gaar ahaan deegaanka Maraay-suuley oo u dhow deegaanka Mesegawaa.

Ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan ururka 86-aad ee Guutada 77 ayaa fuliyey howlgalka lagu qabtay gaarigaas, waxayna ciidanku soo bandhigeen sawirrada gaariga la qabtay iyo qeybo ka mid ah agabka la sheegay inuu Khawaarijta u siday.

Maalmihii lasoo dhaafay howlgallo is dabajoog ah ayaa ka socday tuulooyinka iyo dhulka howdka ah ee dhaca soohdinta labada gobol ee Galgaduud iyo Sh/Dhexe, waxaana lagu guuleystay in dhagarqabayaasha laga sifeeyo dhul baaxad leh.

Ad