Madaxweyne Vladimir Putin ayaa Khamiistii ka digay in ciidamadiisa Nukliyeerka ay “mar walba” heegan ku jiraan, islamarkaana Ruushka aanu u dulqaadan doonin halis kasta oo kaga timaada Reer Galbeedka.
“Russia waxa ay sameyn doontaa wax walba oo ay uga hortageyso dagaal caalami ah, hase yeeshee islamarkaana cidna kama ogolaan doonno inay na handado,” ayuu yiri madaxweyne Putin.
Waxa uu intaas kusii daray “Ciidamadeena xeeladda mar walba waxay ku jiraan heegan,” ayuu yiri Putin oo ka hadlayay dhoola-tuska Maalinta Guusha.
“Saaxiibayaal qaali ah, Ruushku hadda waxa uu marayaa xaalad adag oo muhiim ah. Masiirka dalka hooyo, mustaqbalkeedu waxa uu ku xiran yahay qof kasta oo naga mid ah,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Munaasabadda 9-ka May ayaa lagu xusaa guushii ay Midowga Sofiyet kaga adkaadeen Naaziyiintii Jarmalka ee Dagaalkii Labaad ee Adduunka, waxayna noqotay maalinta ugu muhiimsan munaasabadaha dadweyne ee Ruushka, ayada oo Putin uu dalkiisa cagta u saaray dagaal.
Putin ayaa sidoo kale kor u qaaday hadaladiisa nukliyeerka. Horaantii todobaadkan, wuxuu amar ku bixiyay in militariga Ruushka ay qabtaan dhoola-tusyada hubka nukliyeerka oo ay ku lug leeyihiin ciidamada badda iyo ciidamada saldhigoodu yahay meel u dhow Ukraine