Home Wararka Caalamka PUTIN oo digniin culus soo saaray xilli uu heegan geliyay ciidamada Nukliyeerka

PUTIN oo digniin culus soo saaray xilli uu heegan geliyay ciidamada Nukliyeerka

0

Madaxweyne Vladimir Putin ayaa Khamiistii ka digay in ciidamadiisa Nukliyeerka ay “mar walba” heegan ku jiraan, islamarkaana Ruushka aanu u dulqaadan doonin halis kasta oo kaga timaada Reer Galbeedka.

Khudbad dhiifoonaan ah oo uu ka jeediyey fagaaraha cas, ayada oo ay dhageysanayaan kumanaan askari, ayuu Putin ku ammaanay ciidamadiisa ka dagaalamaya Ukraine, waxa uuna ku eedeeyay “hal-doorka Reer Galbeedka” in ay hurinayaan colaadaha adduunka.

“Russia waxa ay sameyn doontaa wax walba oo ay uga hortageyso dagaal caalami ah, hase yeeshee islamarkaana cidna kama ogolaan doonno inay na handado,” ayuu yiri madaxweyne Putin.

Waxa uu intaas kusii daray “Ciidamadeena xeeladda mar walba waxay ku jiraan heegan,” ayuu yiri Putin oo ka hadlayay dhoola-tuska Maalinta Guusha.

“Saaxiibayaal qaali ah, Ruushku hadda waxa uu marayaa xaalad adag oo muhiim ah. Masiirka dalka hooyo, mustaqbalkeedu waxa uu ku xiran yahay qof kasta oo naga mid ah,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Munaasabadda 9-ka May ayaa lagu xusaa guushii ay Midowga Sofiyet kaga adkaadeen Naaziyiintii Jarmalka ee Dagaalkii Labaad ee Adduunka, waxayna noqotay maalinta ugu muhiimsan munaasabadaha dadweyne ee Ruushka, ayada oo Putin uu dalkiisa cagta u saaray dagaal.

Madaxweynaha Ruushka ayaa marar badan u qaabeeyay dagaalka hadda lagula jiro Ukraine inuu yahay dagaal jiritaan oo ka dhan ah “Naazimada”.

Putin ayaa sidoo kale kor u qaaday hadaladiisa nukliyeerka. Horaantii todobaadkan, wuxuu amar ku bixiyay in militariga Ruushka ay qabtaan dhoola-tusyada hubka nukliyeerka oo ay ku lug leeyihiin ciidamada badda iyo ciidamada saldhigoodu yahay meel u dhow Ukraine

Ad
Previous articleSomaaliland oo War Layaab leh Kasoo Saartay Heshiiskii Musse biixi iyo Abiya Axmed ee Bada Soomaaliya
Next articleRag Khiyaano Cajiib ah Ku Sameeyey Gobalka Banaadir oo lasoo Qabtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here