Soomaaliya & Kenya ayaa maanta kala saxiixanaya in ka badan 4 Heshiis oo u dhaxeynaya labada dal, gaar ahaana waxay taaban doonan Heshiisyadan.
1- AMNIGA: Xaduudaha iyo Isku socodka (In Passportka Soomaaliga helida Dal kugalka Kenya loo sahlo, si lamid ah Baasaboorada dalalka deriska ah).
2- WAXBARASHADA: In Jaamacadaha Kenya ay aqoonsadaan Shahaadooyinka dugsiyada Sare ee Soomaaliya.
3- GAASHAANDHIGA: In sare loo qaado iskaashiga 2-da dal ee la dagaalanka Argagixisada iyo Tababarada ciidamada.
4- GANACSIGA: In lahirgaliyo dhammaan heshiisyadii horey loo galay ee Ganacsiga, iyadoo xooga la saarayo in ganacsatada Soomaalida awood u yeeshaan in ay Fursadaha yaala Suuqyada Kenya ka faa’iideystaan.
RW Soomaaliya oo hogaaminaya, wasiiradda Arrimaha dibada, Gaashaandhiga, Waxbarashada, Ganacsiga, Kalluumeysiga iyo xubno kale oo dawladda Soomaaliya ayaa madasha jooga.