Sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo wargal ah dawladda Faderaalka Soomaaliya, ayaa amartay in Qabuuraha Iskoolka Buluusiya, laga saaro Lafaha marxuumiinta (Meydadka) kal hore lagu aasay, goobta iyadoo dhismayaal casri ah laga sameyn doono, maanta qoysaska qaarkood ayaa la baxay lafaha ehelkooda horey halkan loogu aasay.
Sidaas oo kale goobtii lagu toogan-jiray dadka ay maxkamaduhu ku xukumaan dilka toogashada ah ayaa laga iibiyiyey ganacsato, kuwaas oo dhawaan dhisi doona sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo sugan.
Meydka Majaajistihii caanka ahaa ee Cabdi Muriidi Ajakis, ayaa ka mid noqday Marxuumiin lafahooda laga saaray Qabuuraha iskool Buluusiya.
18kii bilood ee lasoo dhaafay dhul boobka ayaa sare u kacay Muqdisho, inta ugu badan Madaxtooyada ayaa lagu eedeeyey in ay qeyb ka ahayd.