Taliska Ciidanka booliska Soomaaliya ayaa qoraal ay ku baahiyeen baraha bulshada ku sheegay inay gacanta ku soo dhigeen “Gacan ku dhiigle” dil u gaystay xaaskiisii hore.
Maxamed Ismaaciil Maame ayuu boolisku sheegay inuu deegaanka Garas baalley ku dilay marxuumad Xabiibo Xuseen Cabdullaahi isagoo toorrey ku dilay.
Wuxuu boolisku intaa ku daray in ninkaas u isaga qudhiisa dhaawac isku gaystay, haatanna lagu daweynayo isbitaal Madina, ayadoo dhawaanna sharciga la hor gayn dono.
Ad