Ibrahim Kalin oo ah madaxa sirdoonka Turkiga ayaa shalay booqasho ku tagay Soomaliya. Waxaa uu xarunta madaxtooyada kula kulmay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Villa Soomaaliya ayaa sheegtay in Ibrahim uu muujiyay doorka Turkiga ee taageerada amniga iyo xasilloonida Soomaaliya uu muhiim u yahay dowladnimada Soomaaliya.
Kulanka oo uu sidoo kale goob-joog ka ahaa Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali ayuu ku boorriyay mudnaanta ay dowladda Soomaaliya siinayso iskaashiga labada dal ee arimaha amniga, gaar ahaan dhinacyada la-dagaallanka argagixisada, xoojinta nabadda iyo xasilloonida gobolka.
Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa bishii Juunyo 2023 İbrahim Kalın u magacaabay madaxa Hay’adda Sirdoonka Qaranka dalkaas ee (MIT).
Kalin oo ahaa afhayeenka madxatooyada iyo la taliyaha dhanka siyaasadda arrimaha dibadda ayaa xilkan kala wareegay Hakan Fidan, oo loo magacaabay wasiirka afrrimaha dibadda Turkiga.
Kalin ayaa noqday sarkaalkii labaad ee rayid ah ee aan ka tirsaneyn hay’addaas ee hoggaamiya MIT intii uu Erdogan ahaa raysal wasaare iyo madaxweyne tan iyo sanadkii 2002.
Kaddib markii Ahmet Davutoğlu loo magacaabay wasaaradda arrimaha dibadda May 1, 2009, İbrahim Kalın wuxuu ku biiray saaxiibbada u dhow Erdoğan waxaana loo magacaabay madaxa la taliyaha siyaasadda arrimaha dibadda. Tan wixii intaa ka dambeeyay Kalın ayaa ka sii mid ahaa saaxiibbada u dhow Erdogan.
Waa kuma ninkan?
Waxaa loo arkaa in horumar la taaban karo uu booskan u yahay Kalın, oo maqaamka safiirnimo lahaa soona noqday afhayeenkii Erdogan iyo sidoo kale muddo sanado ah ahaa madaxa la taliyaha siyaasadda arrimaha dibadda.
Waxbarashadiisii Malaysia ilaa Mareykanka
Kalin, oo madaxtooyada ka howlgalayay muddo sanado ah, xogtiisa waxbarasho kuma jirto meel rasmi ah.
Noloshiisa gaarka ah, khirbadihiisa waxbarasho iyo tan xirafdeed ayaa laga heli karaa meelaha qaar.
İbrahim Kalın ayaa sidoo kale wareysi uu sanadkii 2021 siiyay Armağan Çağlayan ku sheegay warbixin buuxda oo ku saabsan waxbarashadiisa, sidii u uku galay siyaasadda iyo noloshiisa gaarka ah.
Kaddib markii uu ka qalin jebiyay Jaamacadda Istanbul, Qeybta Taariikhda, Kalın wuxuu waxbarashadiisa sare ku qaatay Islaamka wuxuuna maaddada falsafadda ka dhigi jiray Jaamacadda Malaysia, haalkaas oo uu Davutoğlu sidoo kale ka shaqeyn jiray.
Wuxuu shahaadada ugu sarreysa ka diyaariyay maaddada falsafadda oo uu ka dhigtay Jaamacadda George Washington ee Mareykanka, oo uu aaday sanadkiii 1996. Wuxuu casharro ka bixin jiray College of the Holy Cross, Georgetown University iyo Bilkent University.
Kaddib Kalın wuxuu noqday bare sare oo dhigi jiray maaddada falsafadda Islaamka. Kalin, oo aan jecleyn in magaca barafasoor uu adeegsado, ayaa sheegay inuu jecel yahay inuu ka hadlo arrimaha isagoo aan magacyadaas loogu yeerin.