Home Wararka Maanta Puntland oo Raaligalin Siisay Shiikh Umul

Puntland oo Raaligalin Siisay Shiikh Umul

0

Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo mar kale hadal siiyay warbaahinta ayaa ka hadlay dood ka dhalatay weerar afka ah oo uu dhowaan ku qaaday Sheekh Umal iyo Sheekh Cali Wajiis.

Wasiirka oo ka hadlayay xiisadda siyaasadeed ee kala dhexeyso dowladda dhexe ayaa ku eedeeyay labada Sheekh inay la safteen xukuumadda Muqdisho, sida uu horay u shaaciyay.

Dirir ayaa haatan raalli-gelin buuxda siiyay Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo kamid ah culimada caanka ah ee Soomaaliyeed oo aad ‘u dhibsaday eedeynta uu jeediyay wasiirka.

Wasiirka warfaafinta Puntland ayaa sheegay in Sheekh Umal uu yahay caalim wayn, wuxuuna kula taliyay inuu beddelo fikirkiisa, sida uu hadalka u dhigay.

Arrinta dooda dhalisay ayaa ah in Sheekh Umal iyo Sheekh Cali Wajiis ay ‘ku taliyeen’ in lagu duulo Puntland, taas oo uu dib ka beeniyay Sheekh Umal oo mar kale soo hadlay.

“Sheekha waa ka raali gelinayaa arintaa in aanu oran Puntland halugu duulo waa caalim soomaaliyeed waa shiikheenii waa shiikh Soomaaliyeed laakiinse qowlkiisa qadiimka ah ha ku bedelo qowl jadiida” ayuu yiri wasiirka wasaaradda warfaafinta maamulka Puntland.

Raali-gelinta wasiirka ayaa haatan soo gabagabeyneysa hadal heyntii qabsatay baraha bulshada, kadib dagaalka ka dhex qarxay Wasiir Maxamuud Cayiid Dirir iyo Sheekh Umal.

Si kastaba, Puntland ayaa haatan khilaaf siyaasadeed oo wayn wuxuu kala dhexeeyaa dowladda federaalka, kaas oo ka dhashay wax ka beddelka dastuurka KMG ah ee dalka.

 

Booliska Dalka Australia oo ka War-bixiyay Wiil Soomaali ah ay toogteen

Booliska dalka Australia ayaa faah faahin ka bixiyay sababihii ka dambeeyay inay toogtaan wiil Soomaali ah waxaana ay sheegeen ay toogasho ku dileen nin ka mid ah Soomaalida ku nool

Madaxweynaha SSC Khatumo oo Sheegay Inay Doonayaan in dadka reer Sanaag ay wax wada dhistaan

Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Aw Cali Firdhiye, ayaa sheegay inuu doonayo in dadka reer Sanaag ay la dhistaan maamulkiisa, si hal maamul ay u wada yeeshaan. Wuxuu sheegay inay wadaan

Dowladda Uganda oo ku baaqday in dib u heshiisiin loo sameeyo Madaxda Dowladda Federaalka

Dowladda Uganda ayaa ku baaqday in dib u heshiisiin loo sameeyo Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada dalka, si loo soo afjari xiisad siyaasadeed ee ka dhexeysa Dowladda

Doonyo Hub u Siday Shabaab oo lagu Duqeeyay Biyaha Somaliya

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in ay duqeymo dhanka cirka biyaha dalka Soomaaliya taariikhdu markay ahayd Abriil 16, 2025 iyadoo lala kaashanayo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Duqeymahan ayaa

Madaxweynaha Mareykanka oo Kulan la yeeshay Raisal Wasaaraha Israel

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Talaadadan sheegay in wada hadal wax ku ool ah uu la yeeshay Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu. Madaxweynaha Mareykanka ayaa khadka teleefanka kula hadlay Raysal
Ad
Previous articleKooxda Daacish oo Shaacisay inay Laysay Alshabaabkii Ugu Badnaa
Next articleXukunka Koox ay ku jirto haweynay oo dhac ka geysatay Muqdisho