Ilaa saddex deegaan oo dhaca xuduuda maamulada Somaliland iyo SSC Khaatumo ayaa caawa laga dareemayaa colaad iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo xoog leh, waxaana laga cabsi qabaa in dagaal kale uu qarxo.
Deegaanka Buqdharkayn oo ay horay dagaalo culus ay uga dheceen ayaa ka mid ah meelaha lagu daabulay ciidamada cusub, deegaankaas ayaa 180 KM u jira magaalada Laascaanood ee gobolka Sool oo fadhi u ah maamulka SSC.
Inkastoo deegaanada ciidamada Somaliland lasoo dhoobay ay wax badan ka fogyihiin caasimada SSC ee Laascaanood, hadana ciidanka Khaatumo ayaa fogaaday ina diyaar garoobay weerar uga yimaada dhanka Somaliland.
Xoghayaha Warfaafinta maamulka Khaatumo SSC, Daahir Cabdirisaaq Axmed ayaa sheegay in ciidamadoodu ay ku sugan yihiin deegaanadooda, isla markaana aysan cidna dagaal kula jirin haatan, balse waxa uu qiray in ay jiraan dhaqdhqaaqyo ka socda meelaha xadka u ah labada dhinac.
Muuqaallo lagu wadaagay baraha bulshada ayaa muujinaya ciidammo dhalinyaro ah oo muuqaallo ay iska duubayaan ku sheegaya in ay dagaal diyaar u yihiin, colaada u dhaxaysa Somaliland iyo SSC Khaatumo ayaa ka bilaabatay Laascaanood, balse magaaladaasi waa caasimadda maamul aqoonsi ku meel gaar ah ka helay dowladda dhexe ee Soomaaliya, taas oo dhabarjab ku noqotay Somaliland.