Home Wararka Maanta Sawiro Dheeraad Ah: Qaraxyada Lagu Aasay Gobolka Mudug ee la Fashiliyay

Sawiro Dheeraad Ah: Qaraxyada Lagu Aasay Gobolka Mudug ee la Fashiliyay

0

Hawlgal ballaaran iyo weerar jihooyin kala duwan leh ayay saaka ciidamada amniga Galmudug iyo ciidamada Qaranku ku ekeeyeen goobo badan oo Al-Shabaab gacantooda ku jiray sida ay sheegeen saraakiisha Galmudug.

Waxay intaas ku dareen in saaka Al-Shabaab ayaa aroornimadii hore laga fashilayay isku-day weerar ismiidaamin ah oo lagu soo xiray gaari noociisu ahaa Land Cruiser oo ay ku doonayeen inay ku hakiyaan dhaqaaqa ciidamada huwanta ah.

“Alla fadligii waxay ciidamadu qarxiyeen gaarigii dhagarta damacsanaa waxaa goobtii ku dhintay nafti halligihii gaariga qaraxa darawalka ka ahaa” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada Galmudug.

Ciidamada huwanta ayaa sheegay iney ku sii siqayaan magaalada Camaara ayna burburiyeen difaacyo ay Al-shabaab dhigeen hareeraha Camaara iyo Bacaadweyn.

Ciidamada miino-baarista Booliska iyo kuwa  Mileteriga Galmudug ayaa ku guulaystay inay soo saaraan miinooyin ay Al-shabaab ku wareejiyeen degaano laga saaray

“Qiyaastii afar xabbo oo miino ah oo isugu jira kuwa remoteka ah iyo kuwa anti-taangiga ah ayaa la soo saaray, welina tiimka miina baaristu waxay baarayaan aagga Bacaadweyn iyo Camaara oo maalmihii la soo dhaafay dad shacab ah ay wax yeelaysay miinada argagixisada alshabaab ay ku aastay deegaanadaas” ayuu yiri sarkaalka ka tirsan Al-Shabaab.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleGalmudug oo sheegtay inay Go’doomiyeen 60 ka mid ah Shabaab
Next articleGuddiga Doorashada oo soo saaray jadwal oo Cusub oo dhanka Doorashada ah