Home Wararka Maanta Wax badan Ka Ogoow Qaraarkii Wadanka Looga Ceyriyay Safiirka Itoobiya

Wax badan Ka Ogoow Qaraarkii Wadanka Looga Ceyriyay Safiirka Itoobiya

0

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta qaaday tallaabadii ugu cusleyd ee ka dhanka ah xadgudubka Itoobiya ay ku hayso madax-banaanida Soomaaliya, ayada oo dalka ka cayrisay diblomaasiyiinta Itoobiya, islamarkaana xirtay laba qunsuliyad oo Itoobiya ay ku laheyd Garoowe iyo Hargeysa.

Go’aankan ayaa lagu shaaciyey qaraar xasaasi ah oo ay soo saareen Golaha Wasiirada Soomaaliya, kaasi oo lagu faah-faahiyey sababaha loo cuskaday tallaabooyinka ka dhanka ah Itoobiya. Hoos ka aqriso qaraarka

QARAARKA GOLAHA WASIIRADA EE KU AADDAN HABDHAQANKA GURRACAN IYO FARAGELINTA QAAWAN EE DAWLADDA ITOOBIYA.

Golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Markii ay arkeen: Qodobada 99aad xarfihiisa (a) iyo (f) iyo Qodobka 54aad xarfihiisa (a), (b) iyo (c) ee Dastuurka dalka;

Markii ay arkeen: Axdiga Vienna ee ku saabsan xiriirrada diblomaasiyadeed gaar ahaan Qodobkiisa 12aad oo xeerinaya in dowladda soo dirsatay ergada diblomaasiyadeed ee martida ah aysan xafiisyo ka furan karin meel ka baxsan meesha uu madaxa ergadu uu ka howlgalo, haddii aan oggolaansho cad laga helin dowladda martida loo yahay;

Markii ay arkeen:  Axdiga Vienna ee ku saabsan xiriirrada diblomaasiyadeed gaar ahaan Qodobkiisa 41aad faqradiisa 3aad oo xeerinaysa in xarumaha diblomaasiyadeed aan loo isticmaali karin ujeeddooyin ka baxsan shaqada uu sharcigu u oggol yahay ergada diblomaasiyadeed ee martida ah;

Markii ay garowsadeen: In faragelinta qaawan ee Dowladda Itoobiya ku heyso arrimaha gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay xadgudub ku tahay qaranimada iyo madaxbanaanida dalka Soomaaliya;

Waxa ay soo saareen qodobbada soo socda:

QODOBKA 1AAD: XIRITAANKA QUNSULIYADAHA ITOOBIYA

1. Laga billaabo maanta oo taariikhdu ay tahay 04 April 2024, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay xirtey isla markaana oggolaanshihii hawlgalka oo ay dalka uga furnaayeen kala noqotay qunsuliyadaha ay Dowladda Itoobiya ku lahayd magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa, waana in ay muddo todobaad gudahiis ah ku xirtaa labadaasi qunsuliyadood.

2. Diblomaasiyiinta iyo shaqaalaha Dowladda Ethiopia uga howlgala labada qunsuliyadood ee ka furnaa magaalooyinka kor ku xusan waa in ay dalka uga baxaan muddo todobaad gudahiis ah.

QODOBKA 2AAD: XADGUDUBYADA

1. Diblomaasiyiinta Dowladda Itoobiya ee u hoggaansami waaya qaraarkaan waxa ay galayaan xadgudub ka dhan ah Qaranimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaana laga qaadayaa tallaabooyin dheeri ah oo waafaqsan xeerarka diblomaasiyadda caalamka.

QODOBKA 3AAD: DHAQANGALKA

1. Wasaarada arrimaha dibedda waxaa la farayaa in ay qaraarkan si rasmi ah u gaarsiiso dawladda Itoobiya, kuna wargeliso Safiirka Dowladda Itoobiya u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya in uu dalkiisa la tashi ugu laabto.

2. Qaraarkaan waxa uu dhaqangelayaa marka ay ansixiyaan Golaha Wasiirada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uuna saxiixo Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleMahada Salaad oo Ee maantay Xilka Laga Qaaday Xagew ayuu ku Wajahan yahay?
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Ciyaaryahan caan ah oo lagu dilay Johannesburg kaddib markii uu diiday….