Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Wararkii Ugu danbeeyey Nabadoon Xasan Cali Muude oo Si Arxan Dara ah...

Wararkii Ugu danbeeyey Nabadoon Xasan Cali Muude oo Si Arxan Dara ah loo Dilay

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dil arxan darro ah oo Nabadoon caan ahaa xalay loogu gaystay magaalada Jowhar ee caasimada HirShabelle.

Maruumka oo lagu magacaabi jiray Nabadoon Xasan Cali Muude ayaa waxaa dabley hubeysan ay u dileen tuulada Casir Maal oo hoostegtaga magaaladaasi.

Xilliga la dilayay Nadoonka ayaa la socday gaari ay kala dageen ragga hubeysan oo kadib xabad ku furay, illaa ay nafta kaga baxdo goobta.

Nabadoon Maxamed Xasan oo kamid ah waxgaradka deegaanka ayaa faahfaahin k bixiyay sida ay wax u dhaceen, wuxuuna sheegay in si gaar ah loo beegsaday Marxuumka.

“Dabley hubeysan ayaa dhexda u gashay waa la istaajiyay oo la aqoonsaday soo dag ayaa ka dhahay, kadibna kaligiis ayay wateen, wayna dileen” ayuu yiri Nadoon Maxamed Xasan.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in mid kamid ah dableyda ka dambeysay dilka Nabadoonka gacanta lagu soo dhigay, kuwa kalena lagu raad joogo.

Waxaa kale oo uu intaasi k daray in dilkaasi aanay ka dambeyn kooxda Al-Shabaab, balse ay gaysteen koox uu ku sheegay ma naxayaal isa soo abaabushay.

“Nimanka dilay cid kale ma’aha Shabaabna ma aha ee waa niman ay isku hayb yihiin, haddana mid kamid ah waa la haayaa isaga iyo qorigiisa” ayuu sii raaciyay.

Laamaha ammaanka ee HirShabelle ayaa weli baaritaano dheeraad ah oo ku aadan dhacdadaasi, gaar ahaan dilka loo gaystay Nabadoon Xasan Cali Muude.

Dilka ayaa qayb ka noqonayo falalka ammaan darri ee ka dhaca Shabeelaha Dhexe oo ay sidoo kale ku badan yihiin dagaal beeleedyo gaystay khasaarooyin kala duwan.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleWaa Maxay Sababtaa Yaabka Leh ee Samiira Gaid Dowlada Xasan Shiikh Shaqada Uga Joojisay?
Next articleBenjamin Netanyahu oo Wacad ku Maray Inuu Xiri Doono Telefishin caan ah oo dhuunta u galay