Home Wararka Maanta Benjamin Netanyahu oo Wacad ku Maray Inuu Xiri Doono Telefishin caan ah...

Benjamin Netanyahu oo Wacad ku Maray Inuu Xiri Doono Telefishin caan ah oo dhuunta u galay

0

Ra’isul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa cadaadis xooggan kala kulmaya waddamada caalamka iyo hay’adaha xaquuqda aadanaha u dooda, kaddib markii uu kordhiyay xasuuqa sacabka Falastiin iyo sidoo kale dilka dadka gar gaarka ka shaqeeya.

Dhibaatada Israa’iil ka geesatay dhulka Falastiin gaar ahaan magaalada Gaza ayaa noqotay mid aan qarsooneyn, waxaana daqiiqad iyo saacad kasta tacadiya Israa’iil ka geesaneyso dhulka Falastiin si toos ah u baahiya Telefishinka Al Jazeera ee laga leeyahay Qatar.

Ra’iisal Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay inuu albaabada isugu dhufan doono xafiiska uu telefishanka Aljazeera ee laga leeyahay dalka Qatar,  waxa uuba uga gon leeyahay in Tv-gaasi awood u yeelan waayo baahinta wararka Falastiin.

Netanyahu  ayaa sheegay in raacayo sharci cusub oo ay soo saartay Israa’iil, kaas oo xukuumadda awood u siinaya inay tallaabo ka qaaddo hay’adaha warbaahineed ee ajnebiga ah ee halista ku noqda amniga qaranka ee dalkaas.

Ad
Previous articleWararkii Ugu danbeeyey Nabadoon Xasan Cali Muude oo Si Arxan Dara ah loo Dilay
Next articleMaraykanka Oo Cara kulul kala dul Dhacay Israaiil

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here