Sida aan ka Xaqiijinay ilo wareedyo ka tirsan Villa Somalia, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mar kale qorsheynaya inuu ka guuro Muqdisho, isagoo degaya caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.
Xubnaha dhanka amniga kala taliya madaxweynaha ayaa soo jeediyey inay muhiim tahay in dhulka Galmudug deg deg looga abaabulo dagaal ka dhan Al-Shabaab.
Villa Somalia ayaa mar kale qorsheysay in Xasan Sheekh uu ka guuro Muqdisho oo la dejiyo Dhuusamareeb, si geed fadhi aan howlo kale ku mashquulin uu ugu noqdo dagaalka Al-Shabaab.
Ciidamada dowladda ayaa ku jabay dagaaladii Caad iyo Cowsweyne, waxaana aad u yar tirada ciidamada abaabulan xiligaan, balse waxaa jirta xog sheegeysa in qorshaha howlgalka dhanka duqeynta loo weeciyey.
Dowladda Turkiga ayaa la sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka balan-qaaday in Shabaab-ka jooga Galmudug ay duqeyn ku leyneyso, rajada la qabo hada ayaa ku soo aruurtay duqeyntaan, doorka ciidamada ayaa hadda kadib noqon doona nadiifin, kadib markii la duqeeyo deegaanada ay argagixisadu joogto.
Ciidamadii Guutada Abuu-dujaana oo ka baxday Camaara iyo Bacaadweyne ayaa ku sugan magaalada Baxdo ee gobolka Galgaduud, kuwaas oo weli aan la kulmi wax dagaal ah, balse tiranaya tabashooyin aan badneyn oo dhanka mushaarka ah.
Sidoo kale qabaa’il kasta ayaa heysta ciidamo badan oo abaabulan una diyaarsan inay wajahaan Khawaarijta, ciidan aan guuto ka yareyn oo u diiwaan gashan daraawiishta Galmudug ayaa iyaguna jooga aagga Wisil.
Xasan Sheekh ayaa hadda go’aansaday inuu dib u abaabulo ciidamadaas oo la galo dagaalka, Shabaab-na laga soo dhameeyo gobollada dhexe, wuxuuna howlgalkaas ka hoggaami doonaa madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb oo la qorsheeyey inuu dego wixii ka dambeeya 10-ka bishaan Abriil.