Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in wax wada-tashi ah uusan ka maqneyn wax ka beddelka dastuurka Soomaaliya, oo haatan maraya meel xasaasi ah.
“Waa dhamaatay doodda dib u eegista wax ka beddelka dastuurka, waxaana haatan loo gudbay in baarlamaanka uu meel-mariyo dib u eegista lagu sameeyay dastuurka,” ayuu yiri wasiirka dastuurka iyo cadaaladda Soomaaliya.
Sidoo kale waxa uu ku tilmaamay arrintaan “tallaabo taariikhi ah oo aan Soomaaliya horey uga dhicin,” isagoo hoos u dhigay diidmada Puntland ee dastuurka, oo uu sheegay inau horey qeyb uha aheyd wada-tashiyaddii dib u eegista dastuurka.
Sidoo kale waxa uu ku dooday in aysan macquul noqon karin in geeddi socodka ummadda Soomaaliyeed uu la hayste u noqdo diidmada maamulka Puntland.
Waxa uu intaas kusii daray “Puntland waxay matalaad ku leedahay labada aqal ee baarlamaanka, kuwaasna ay yihiin kuwa ku ma talaya doodda dastuurka ee haatan go’aan gaaristeeda uu taagan yahay.”
“Dowladda marar badan ayay Putin ugu yeertay shirka golaha wadatashiga qaran,” ayuu yiri wasiirka dastuurka iyo cadaaladda Soomaaliya Xasan Macallin Maxamuud.