Home Wararka Maanta 16 masuul oo Fududaysay Qaraxyadii lagu Qaaday Hotel SYL oo Xabsiga Ka...

16 masuul oo Fududaysay Qaraxyadii lagu Qaaday Hotel SYL oo Xabsiga Ka Dhigay

0

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in gacanta lagu soo dhigay shabakaddii ka dambeysay Weerarkii Hotelka SYL ee magalaada Muqdisho ay Jimcihii hore Shabaab ku soo qaadeen.

16 qof oo eedeysanayaal ayaa loo hayaa weerarkaas, kuwaas oo baaritaano ku socdaan, dadkaas waxaa laga magacaabay Cabdinaasir Daahir Nuur oo ahaa ninkii gaadiidka qarxay magaalada soo geliyey, sida lagu sheegay warbixintaan.

Shan askari oo ka shaqeyneysay goobaha la soo marsiiyey gaadiidka qarxay iyo afar qof oo ku qoran milkiyadda gaadiidka Shabaab ay ku qarxiyeen Hotelka ayaa ku jira dadka gacanta lagu dhigay ee baaritaanku ku socdo.

Hoos ka akhriso warbixinta oo dhaneystiran:

Muqdisho, 23 March, 2024: Hay’adaha ammaanka ee dowladda oo gacanta ku haya galbaariseedka weerarkii nafla caariga ahaa ee Khawaarijta ay ka gaysteen Hotel SYL ayaa waxa ay gacanta ku dhigeen 16 eedeysane oo ku lug lahaa weerarkaas.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa ku guulaysatay in ay soo qabato Abdinasir Daahir Nuur oo ahaa shaqsigii suurta-galiyay in magaalada ay soo galaan Gawaarida falka argagixiso lagu gaystay.

Sidoo kale dadka la qabtay waxaa ka mid ah ilaa iyo Afar eedeysane oo ku diiwaan gashan milkiyadda labada Gaari ee Khawaarijtu u adeegsatay weerarka Hotelka SYL.

Waxaa kale oo baaris ay ku socotaa Shan xubnood oo ka tirsan ciidanka ammaanka dowladda kuwaas oo ka shaqaynayay baraha baaris ee Khawaarijtu ay ka soo gudbeen.

Shacabka Soomaaliyeed waxaalala wadaagi doonaa caddaymo dhammaystiran kuwaas oomuujinaya dhagarta Shabakaddan Khawaarijta ah iyo gungaarka hay’adaha baarista.

Dhammaan Shabakadda Khawaarijta ah ee la qabtay iyo eedeysaneyaasha kale ee loo haysto kiiskan waxaa loo gudbin doonaa Maxkamadda shaqada ku leh, waxaana ay hortagi doonaan cadaaladda.

-Dhammaad-

Raisal Wasaare Xamze oo la kulmay Bulshada Gobolka Sanaag

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la yeeshay xubno matalayey qeybaha kala duwan ee bulshada Gobolka Sanaag. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, oo ku

Dowlada Somaliya oo soo Dhaweesay Tageerada Dowlada Somaliya

Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump ,ayaa ballanqaaday in dowladda Soomaaliya ka taageeri doonaan dagaalka ay kula jirto kooxaha hubeysan ee argagaxisada ee ka dagaallama qeybo kamid ah dalka Soomaaliya. Lataliyaha

Ciidanka Amniga Muqdisho oo loo Gacan galiyay Nin Dil Geestay

Ciidamada booiiska Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka howlgalla saldhigga degmada Dayniile , ayaa lagu wareejiyay nin dhallinyaro ah oo shalay afaafka hore ee xarunta degmada Dayniile ku dilay nin kale

Dowladda Soomaaliya oo SSC-Khaatumo u aqoonsatay maamul ka tirsan Dowladda Federaalka

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa ugu baaqay saaxiibada caalamka ee taageera Soomaaliya inay ula dhaqmaan maamulka SSC-Khaatumo si lamid ah maamul-goboleedyada kale ee xubnaha ka ah dowladda Federaalka

Madaxweynaha SSC Khaatumo oo Somaliland ugu baaqay Nabad Sharuud La’an ah

Madaxweynaha maamulka SSC Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye oo Xalay ka hadlaayay munaasibad balaaran oo ka dhacday magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa ugu baaqay Somaliland nabad iyo
Ad
Previous articleJeneraal Dayax Cabdi Cabdulle iyo G/Sare Macalin Mahdi oo gaaray deegaanka Dhanaane oo shalay Taliyeyaal lagu Dilay
Next articleDowlada Soomaaliya oo ka Hadashay Shirka Kasocda Gorowe ee Xalay Warmurtiyeedka laga soo Saaray