Home Wararka Maanta Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle iyo G/Sare Macalin Mahdi oo gaaray deegaanka...

Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle iyo G/Sare Macalin Mahdi oo gaaray deegaanka Dhanaane oo shalay Taliyeyaal lagu Dilay

0

Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle iyo Taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir G/Sare Macalin Mahdi ayaa gaaray deegaanka Dhanaane ee gobolka Shabeellada Hoose, iyagoo ciidamada qaranka ku amaanay sida ay ugu jilib dhigeen cadowga Khawaarijta ah.

Saraakiishaan ayaa soo kormeeray goobihii saakay cashirka loogu dhigay Khawaarijta, waxayna saraakiisha iyo ciidanka sii baacsanaya Khawaarijta naf la caariga ah ku dhiirigeliyeen jihaadka xaqa ah oo ay ku jiraan.

Taliska Ciidamada Xoogga Dalka ayaa goor sii horeysay faahfaahin ka soo saaray weerarkii tooska ahaa ee shalay ay Shabaab kula jarmaadeen taliskii ciidamada isku dhafka ah ee dowladda ay ku la haayeen deegaanka Busley ee gobolka Shabeellada Hoose.

Weerar qaraxyo ku billowday ayey kooxda Al-Shabaab ku qaadeen fariisimo ay ciidamada dowladda ku leeyihiin dhowr deegaan oo hoos taga magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas waxaa ka dhacay dagaal culus oo Shabaab khasaare culus lagu gaarsiiyey, sidoo kale dowladda looga dilay askar iyo saraakiil.

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxyadiin oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in dagaalkaasi ay ka hortageen ciidanka milatariga oo kaashanaya kuwa boolis milataaro oo iyana qayb ka ah howlgallada ka socda halkaasi.

“Geesiyaasha ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed gaar ahaan guutada 22-aad eeBolisya milatare oo u diyaarsanaa weerarka khawaarijta ayaa iska caabiyay maleeshiyaadkii  weerarka  Nafla-caarinimada  ah ku soo qaaday deegaanada Dhanaane iyo Aw-maki ee hoostaga gobolka Shabeellaha Hoose” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay taliska.

Sidoo kale taliyaha ayaa xaqiijiyay in dagaalkaas jab xoogan lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab, isaga intaas ku daray in ciidamadu ay hayeen xogta weerarkaasi.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in khasaaraha gaaray Al-Shabaab uu tiro beel yahay, balse ay soo bandhigi doonaan xogta rasmiga ah ee waxyeelada gaartay.

Saraakiisha ku geeriyootay dagaalkaas waxaa kamid ahaa sarkaal sare oo lagu magacaabo Gaashaanle Liibaax Maxamed Cabdulle (Liibaan Golcad), kaas oo kamid ah ciidamada boolis milataaro ee loogu talagalay sugida amniga magaalada Muqdishio agagaarkeeda.

Raisal Wasaare Xambe Bare oo lagu Wareejiyay 25 kamid ah Maxaabiista Somaliland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa la wareegay 25 maxbuus oo kasoo jeeda Somaliland, kuwaas oo lagu qabtay dagaalladii ka dhacay gobolka Sool, sida lagu sheegay warmurtiyeed

Magaalada Muqdisho oo Rasi ah looga bilaabay Diiwaangalinta Doorasho Qof iyo Cod

Waxaa maanata magaalada Muqdisho si rasmi ah uga bilaawday diiwaangalinta cod bixiyayaasha oo ah talaabadii ugu dambeysay ee ka harsanayd bilaabashada doorashada qof iyo codka ah ee golayaasha deegaanka. Guddoomiyaha

Warar laga helayo Dagaal ka Socda Galmudug gaar ahaan Deegaanka Haamcaduur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo ka dhacay tuulada Haamcaduur oo hoostagta deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud, kaasoo dhexmaray ciidamada deegaanka iyo kuwa Al-shabaab. Dagaalka ayaa la

UK oo kordhisay Kaalmada ay siiso Ciidanka Dowlada somaliya Xili uu jiro Dagaalka Shabaab

Iyadoo Soomaaliya ay wajahayso halis amni oo cusub oo ka imaanaysa Al-Shabaab oo markale xoogeysanaya, ayaa Boqortooyada Midowday ee UK waxay kordhisay taageerada ay siiso Ciidamada Amniga Soomaaliya (SSF). UK

Dalka Mareykanka oo lagu Xiray Muwaadin Somali ah oo lala Xiriirinayo dambiyo maandooriye

Saraakiisha Ilaalada Xuduudaha ee Maraykanka gaar ahaan Waaxda Blaine, Washington, ayaa xiray Muwaadin Soomaali ah oo taariikh dembi ku lahaa dalkaasi Mareykanka maadama lala xiriiriyay isticmaalka iyo dambiyada ka dhaca
Ad
Previous articleMid kamid ah Senatoradii Laga soo Doortay Galmudug oo Geeriyooday iyo Qoor Qoor oo ka Hadlay
Next article16 masuul oo Fududaysay Qaraxyadii lagu Qaaday Hotel SYL oo Xabsiga Ka Dhigay