Home Wararka Maanta Mid kamid ah Senatoradii Laga soo Doortay Galmudug oo Geeriyooday iyo Qoor...

Mid kamid ah Senatoradii Laga soo Doortay Galmudug oo Geeriyooday iyo Qoor Qoor oo ka Hadlay

0

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa ka tacsiyeeyay geerida naxdinta leheyd ee timid Allaha u raxmadee Senator Cabdi Cismaan Xareed oo ka mid ahaa Senator-rada Galmudug ku matala Aqalka Sare.

Senator-ka oo xanuunsanaa ayuu madaxweynuhu geeridiisa uga tacsiyeeyay ehelkiisa, bulshada Galmudug iyo guud ahaan Qaranka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaana yiri “ Ilaahey ha u naxariisto Senator Cabdi Cismaan, waxaan murugada geerida la wadaagayaa ehelkiisa, saaxiibbadiis iyo guud ahaan qaranka Soomaaliyeed. Ilaahey ayaan uga baryeynaa inuu ku gallado jannooyinkiisa sarsare, dambi dhaafna u waydiineynaa”

Dhammaad.

Ad