Home Wararka Maanta Xaggee ayuu xeebaha Soomaaliya kaga sugan yahay markabka MV Abdullah ee gacanta...

Xaggee ayuu xeebaha Soomaaliya kaga sugan yahay markabka MV Abdullah ee gacanta ugu jira burcad-badeedda Soomaalida oo Hub ku Rakibtay Markabka Dushiisa?

0

Markabka MV Abdullah, ayaa u af-duuban koox burcad baddeed Soomaali ah kaas oo laga soo qafaashay biyaha caalamiga, markabka ayaa gacanta burcaddda galay xilli uu marayey biyaha caalamiga ah.

Sida uu BBC-da u sheegay taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal G/sare Maxamed Cali Axmed ‘Marduuf’, markabka ayaa hadda taagan deegaan xeebeedka Jiifle.

Taliyaha ayaa xusay inay dhanka barriga ka wadaan howlgal ay uga gol leeyihiin inay ku go’doomiyaan burcad baddeedda oo aysan galaangal u yeelan inay barriga ka helaan wax caawinaad ah

“Waxaan hadda ku sugnnahay barriga, qorshaheennu waa inaysan burcaddu iska abaabulin iyo in kuwa hadda markabka Abdalla aysan helin gurmad dhanka barriga ah, dhanka baddana waxaa ku gadaaman maraakiib ay leeyihiin ciidamada caalamiga,marka dhankasta waa ka godoonsan yihiin,” ayuu BBC-da u sheegay taliye Marduuf.

Wuxuu sheegay in kooxda burcad baddeeda ah ee saaran markabka ay u furan tahay inay kala doortaan laba ikhyaar oo horyaalla oo uu ku sheegay “Waa inay kala doortaan inay isku soo dhiibaan Puntland oo deegaannadooda ku maraan ciqaabta ay mudan yihiin ama in sidii markabkii ka horreeyey ee MV Ruen ay gacanta u galaan ciidamada shisheeye oo dalal kale lala aado,” ayuu intaas ku daray Marduuf.

Afduubka markabka MV Abdullah, waa kii ugu dambeeyay in ka badan labaatan weerar tan iyo bishii November oo ay geysteen burcad badeedda Soomaalida ka dib toban sano oo ay howlgalladoodu la cirib tiray.

Warar aan si rasmi ah BBC-du u xaqiijin ayaa sheegaya in burcad badeeddu ay dusha sare ee markabka saareen hub culus, laakiin taliyaha Booliska Nugaal oo BBC-du waydiisay waxaa ka jira wararkaasi ayaa sheegay in aysan hadda jiran wax huba oo ay saareen markabka intii ay bilaabeen howlgalka balse muusan cadayn in ka hor ay saareen iyo in kale.

Taliyaha Qaybta Booliska Nugaal wuxuu sidoo kale BBC-da u sheegay inay diyaar u yihiin inay ka qayb qaataan howlgal kasta oo lagu badbaadinayo markabka iyo shaqaalaha saaran

Wakaaladda wararka ee Reueters oo soo xiganaysa ilo ka tirsan booliska Puntland ayaa sheegtay in ciidamada ay qabteen gaari siday qaad la doonayey in la gaarsiiyo kooxda ku sugan gudaha Markabka Abdullah.

Wafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah

Caalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub

Horjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad
Previous articleWax Tarka kaamirooyinkii lagu Xiray Ganacsiyada Muqdisho Oo Durbab Faaidadooda La Dareemay
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Mareykanka oo war kasoo saaray wadahadalladii xabbad joojinta ee Israa’iil iyo Xamaas