Home Wararka Maanta Wax Tarka kaamirooyinkii lagu Xiray Ganacsiyada Muqdisho Oo Durbab Faaidadooda La Dareemay

Wax Tarka kaamirooyinkii lagu Xiray Ganacsiyada Muqdisho Oo Durbab Faaidadooda La Dareemay

0

Warbixin muuqaal ah oo uu Telefishinka SNTV soo daayay ayaa waxaa lagu soo bandhigay caddeymo ay duubeen kaamirooyinka amniga, kuwaas oo si dhammeystiran looga arkayo qaabkii ay Argagixisada u fuliyeen qaraxyo ka dhacay Suuqa Bakaaraha oo goobo ganacsi lagu beegsaday.

Dhowr qof oo ka mida raggii qaraxyada fuliyay iyo kuwii caawinayay ayaa muuqaallada laga arkayaa dhaq dhaqaaqooda ka hor inta aysan qaraxyada fulin iyo kadibba. Waxaana ay taasi fududeysay in wax badan laga ogaado falalka ay fuliyeen kooxdaas oo ka koobneyd lix qof. Waxaa kale oo iyagana xogtooda iyo muuqaalladooda la helay koox Argagaxisada ka mida oo suuqa Bakaaraha ku daadinayay waraaqado ganacasatada looga digayo inay kaamirooyin isticmaalaan.

Arrinta xiisaha leh ayaa waxay tahay in aragtida ku saabsan isticmaalka kaamirooyinka ay billowgii hore la kulantay dhaleeceyn iyo tuhun ay faafinayeen Argagaxisada iyo dad sabab aan la aqoon u caawinayay, kuwaas oo ka midaysnaa inay diidayeen hirgelinta kaamirooyin amniga lagula socda, taas oo markii lagu adkeystay hadda la wada arkay faa’iidadeeda.

Faa’iidooyinka kaamirooyinka ay sahleen in muddooyinkan falalka dhafay in ka-daba-tagooda la helayay, gaar ahaan fal dambiyeedkii dhacay bishii 21-kii Febraayo 2024 oo rag ka tirsan Ciidanka Booliska inta afduubteen ay dileen AUN Abukar Kaabax oo raadkii dilkiisa waxyaabaha lagu helay ay ka mid aheyd kaamiirooyinka Amniga.

Ad
Previous articleLix nin ee Ka Danbaysay Qaraxyadii Dhawaan Bakaaraha Ruxay oo lasoo Bandhigay
Next articleXaggee ayuu xeebaha Soomaaliya kaga sugan yahay markabka MV Abdullah ee gacanta ugu jira burcad-badeedda Soomaalida oo Hub ku Rakibtay Markabka Dushiisa?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here