Wareysiga laga sii duubay is-miidaamiyaha ayaa lagu sheegay inuu ku dhashay magaalada Kismaayo sanadkii 2004, wuxuuna ahaa 20 sano jir, isagoo ka mid ahaa ciidamada Al-Shabaab ee ka howlgala gobolka Mudug.
Wax faafhaahin ah lagama bixin weerarka Al-Shabaab ku qaaday Hotel SYL, balse Al-Shabaab ayaa sheegtay in gaari qaraxyo ka buuxaan uu ninkan ku daah-furay weerarka Hotel SYL.
Dowladda Soomaaliya ayaa weli baaraysa sida ay Al-Shabaab ugu suurta-gashay inay galaan xeendaab aad loo sugo amnigiisa.
Weerarkan oo fajiciso noqday ayaa waxa uu ka dhacay xayndaabka Madaxtooyada Qaranka oo ah meel aad loo ilaaliyo ammaankeeda, waxaana soo baxeysa in kooxda Al-Shabaab ay weerarkan u adeegsatay xeelad cusub.
Maleeshiyaadkii fuliyay weerarkii SYL ayaa koontoroollada adag ee laga ilaaliyo Madaxtooyada uga gudbay kaarar aqoonsi, sida ay Caasimada Online u sheegeen illo-wareedyo amni oo ka gaabsaday in magacooda la xuso.
“Ragga gaadiidka lagu fuliyay weerarka (hoteelka SYL) gudbiyay waxay isticmaalayeen kaararka mid kamid ah saddex xafiis ee ugu sarreysa dalka,” ayey yiraahdeen illo wareedyada amni ee la hadlay Warbaahinta.
Markii ugu dambeysay ee gaadiid qaraxyo sida ka gudbaan kontoroollada caasimada waxay aheyd dhamaadkii bishii November 2022, xilligaasi oo la weeraray Villa Reys, markaas oo ninkii loo haystay inuu gudbiyay gaariga oo ahaa darawalkii guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka uu u baxsaday dhanka kooxda Al-Shabaab.
Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar
Ciidamada Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo
Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay