Wiil dhalinyaro ah oo soomaali ah ayaa ku dhintay magalada Sheffield kadib markii si xun loo toorriyeeyay , Booliska ayaa wiilka magaciisa ku sheegay Sacad Cali oo 24 jir ah.
Adeegyada degdega ah ee gargaarka ayaa la wacay 4.35am subaxnimadii 9-kii Maarso Halka loo yaqaan Ponderosa Park ee agagaarka Netherthorpe ee magaalada ka dib markii laga helay wiilka oo la tooriyeeyay kaas oo qabay dhaawacyo badan oo mindi ah oo u marki danbe u dhintay.
Qoyska wiilka ayaa la wargeliyay .Qoyska ayaa codsaday in si gaar ah loo ixtiraamo wakhtigan adag.
Madaxa dambi baarista Ben Wood, oo ah sarkaalka sare ee baaritaanka kiiskan, ayaa yiri: “Runtii waxa uu ahaa dil argagax leh oo soo gaabiyay nolosha nin dhalinyaro ah’’
Wararka ugu Danbeeyay ee Maanta
Ad