Home Wararka Maanta Sacad Cali oo la Dilay Kadib Markii Si Xun loo Tooreeyey

Sacad Cali oo la Dilay Kadib Markii Si Xun loo Tooreeyey

0

Wiil dhalinyaro ah oo soomaali ah ayaa ku dhintay magalada Sheffield kadib markii si xun loo toorriyeeyay , Booliska ayaa wiilka magaciisa ku sheegay Sacad Cali oo 24 jir ah.

Adeegyada degdega ah ee gargaarka ayaa la wacay 4.35am subaxnimadii 9-kii Maarso Halka loo yaqaan Ponderosa Park ee agagaarka Netherthorpe ee magaalada ka dib markii laga helay wiilka oo la tooriyeeyay kaas oo qabay dhaawacyo badan oo mindi ah oo u marki danbe u dhintay.

Qoyska wiilka ayaa la wargeliyay .Qoyska ayaa codsaday in si gaar ah loo ixtiraamo wakhtigan adag.

Madaxa dambi baarista Ben Wood, oo ah sarkaalka sare ee baaritaanka kiiskan, ayaa yiri: “Runtii waxa uu ahaa dil argagax leh oo soo gaabiyay nolosha nin dhalinyaro ah’’

Ad
Previous articleXog dheeraad ah oo ka soo baxday markab lagu afduubtay biyaha Soomaaliya iyo cidda haysata oo la ogaaday
Next articleAlshabaab Lagu Laayay duqayn iyo Maraykanka oo Ka Hadlay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here