Xaafadda Horseed ee magaalada Garowe waxaa laga helay meydka gabar yar oo la gowracay, jirkeedana ay nabaro badan ka muuqdaan.
Lama oga ilaa hadda sababta loo dilay gabadhaas iyo cidda falkaan gaysatay, balse dhacdadaan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo fal kufsi ah uu ka dhacay isla magaalada Garowe.
Gabar yar oo 13 jir ah oo ku nooleed Kaam-ka Shabeelle eemagaalada Garowe ayaa la sheegay kufsi loo geystay saacadihii lasoo dhaafay.
Ragga labada ah ee loo heysto kufsiga ayaa ka tirsan ciidamada Puntland, taas oo fadeexad ku noqotay maamulka, gaar ahaan hey’adaha amniga.
Dhacdooyinkaan xanuunka badan ee gabdhaha yaryar loogu geystay dilka iyo kufsiga saacado is xiga ayaa aad looga hadal hayaa magaalada Garoowe iyo inta badan deegaanada Puntland.Maalmahaan dalka dhan, haba ugu daraatee Muqdisho waxaa ka socday tacadi ay dadku isku geysanayaan, sida lamaane is dilay, kufsi iyo kuwo nolosha lagu gubay, arrintaan ayaa la yaab ku noqotay bulshada.