Dowladda Itoobiya ayaa shalay weerar culus ku qaadday kooxda maleeshiyada Fano ee ku sugan waqooyi-galbeed gobolka Amhara. Wararka gudaha laga helayo ayaa sheegaya in tiro rayid ah ay dagaalka ku dhinteen. Dowladda ayaan weli ka jawaabin sheegashadaas.
Dhanka kale, hay’adda xuquuqda aadanaha u doodda ee Amnesty International ayaa maanta ciidamada ku eedeysay inay rayid ku dileen magaalada Bahir Dar, oo ah caasimadda gobolka Amhara, xilli ay la dagaallamayeen Fano.
“Saameynta xuquuqda bani’aadamka ee dagaalka gobolka Amhara ayaan si shaac ah usoo bixin sababo la xiriira internet-ka oo gaabis ahaa, isgaarsiinta oo qeyb ahaan go’neyd iyo bandow jiray taasoo saameyneysa xorriyadda hadalka iyo warbaahinta iyo cabsi laga qabo aargoosi,” ayay hay’addu ku tiri warsaxaafadeedkeeda.. Dowladda ayaan ka jawaabin eedeymahan.
Dadka deegaanka ayaa BBC u sheegay in tan iyo toddobaadkii hore, uu socday dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo maleeshiyada Fano kuna dhex marayay qeybo kala duwan oo gobolka ah. Waxay sheegeen in dagaal culus uu ka socday meelo badan sida Gojam, North Showa, South Wolo, Gondar, Marawi, South Mecha, Quarit, Sekala, Dega Damot, Antiochia Gemza, Showa Robit iyo Lalibela, isla markaana waddooyinka la xiray.
Maxay yihiin maleeshiyada Fano?
Fano waxay ka dhigan tahay koox dhalinyaro hubeysan, oo kasoo jeeda gobolka Amhara, kuwaasoo ku lug leh difaaca bulshada. Waa maleeshiyo ciidankeeda ka dhex qorata bulshada, iyadoo ka codsata inay si iskaa ah ugu soo biiraan. Waxay xulafo la ahayd ciidamada federaalka intii uu socday dagaalkii gobolka Tigray balse xiriirka labada dhinac ayaa xumaaday kaddib markii maleeshiyadu ay dowladda ku eedeysay inay isku dayeyso wiiqidda gobolka iyo iska cababintiisa gobollada deriska ah, eedyentaasoo ay dowladdu beenisay.
Si kastaba, asalka magaca kooxda ayaa dib loo raaci karaa qarniyo, luqadda Amharic marka la eegana waxay ka dhigan tahay ‘qof iskiis isu abaabulay’ ama ‘koox ciidan hoggaan la’aan ah oo aan cidna ka amar qaadan.’
Qarniyadii hore, Fano waxay il muhiim ah oo ciidan u ahayd hoggaamiyeyaasha gobolka, waxaana loo wacan jiray marka loo baahan yahay si ay u dagaallamaan.
Qarnigii 20aad, Fano ayaa waxaa sidoo kale adeegsaday maamulkii Haile Selassie si uu isaga caabbiyo duullaankii Talyaaniga intii u dhaxeysay 1936-41.
Markii sanadkii 2018, uu talada dalkaasi qabsaday raysal wasaare Abiy Ahmed, Fano ayaa kaoso horjeesatay iyadoo tabaneysay inaan wax laga siin awood-qeybsiga siyaasadda. Tan ayaa horseedday dibadbaxyo ka dhaca gobolka oo ay dhalinyaro horkacayeen.
Ilaa iyo haatan kooxda Fano ayaa xiriir wanaagsan la leh bulshada gobolka Amhara, maaddaama aaminaadda lagu qabo dowladda federaalka ee gobolku ay sii yaraaneysay, kooxdana loo arkayay inay bulshada difaaceyso.