Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa magaalada Nairobi kaga qayb galay xaflad soo dhaweyn ah oo ay u sameeyeen jaaliyadda reer Galmudug ee waddanka Kenya.
Munaasabaddan waxaa goobjoog ka ahaa safiirka Soomaaliya ee waddanka Kenya Amb Jibriil Ibraahim Cabdulle iyo xildhibaan Yusuf Xassan Cabdi.
Madaxweynaha ayaa bulshada la wadagaay marxladda wanaagsan ee ay mareyso Galmudug, dadaallada iyo horumarka socda isagoona uga mahadceliyay sida wanaagsan ee ay usoo dhaweeyeen.
Ad