Home Wararka Maanta Cabdiraxiin Cabdulle Sheekh oo Sabab kaa Yaabinaysa Loogu dilay Muqdisho

Cabdiraxiin Cabdulle Sheekh oo Sabab kaa Yaabinaysa Loogu dilay Muqdisho

0

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil xalay magaalada Muqdisho loogu gaystay wiil dhalinyaro ahaa oo xalay sarkaal la sheegay inuu ka tirsan yahay ciidamada Booliska uu ku dilay degmada Shibis ee gobolka Banaadir.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxiin Cabdulle Sheekh ayaa wade mooto Bajaajle oo ka shaqeeya magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Sababta loo dilay marxuumka ayaa lagu sheegay inay tahay nalka mootada oo uu ku shidan askariga, kadibna uu sidaas xabad ugu dhuftay.

Mid kamid ah ehellada marxuumka oo la hadlay Somali Cable Tv ayaa sidoo kale sheegay in wiilkooda inta aan la dilin kahor la caayay hooyadiis, kadibna la toogtay .

“Hooyadiis ayuu caayay nalga iga dami ayuu yiri war nalka kaa daminaa ee hooyadey ha caayin hooyadaa waa caaynaa ee maxaa tahay adiga? kadibna wuu dilay” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Nin weyn oo reer leh oo xaas leh in la yiraahdo hooyadaa maxaa dhaantaa? waa caaynaa haddana xabad madaxa looga dhuftay kolley arrintaas waa arrin ula kac ah oo kibir ah”.

Aabaha marxuumka ayaa sidoo kale ka hadlay dilkan argagaxa leh ee xalay ka dhacay Muqdisho, wuxuuna sheegay in ninka dilay uu yahay sarkaal Boolis ah.

“Igaarkeyga waxaa dilay nin ka gar daran hadane ah nin ciidan ah haddane aan ahayn nin dabley ah ee ah nin mas’uul ah oo darajo leh” ayuu yiri Aabaha marxuumka.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in maydka ay galiyeen Firinjeer, ayna sugayaan cadaalad iyo in lasoo qabto eedeysanaha.

“Firinjeer ayuu ku jiraa waxaan sugooyaa cadaalad, mana aasayo inta laga soo qabanayo ninka dilay wiilkeyga”

Muqdisho ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay ka dhacayay dilal iyo dhacdooyin kale oo argagax leh, kuwaas oo saameyn ku yeeshay bulshada Soomaaliyed.

Ad
Previous articleGaashaanle Sadiiq Aadan Cali (Doodishe) oo Xilka laga Qaaday
Next articleMaamulka Hosbitaalka Hargaysa oo Shaaciyay Sababtii uu udhibtay Dahable oo Dhawaan maydkiisa laga Helay Muqdisho Shalayna Hargaysa Loo Qaaday