Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Jeneraal Sulub Axmed Firin ayaa xilkii ka qaaday afhayeenkii ciidanka booliska Soomaaliyeed Gaashaanle Sadiiq Aadan Cali (Doodishe).
Taliyaha booliska ayaa afhayeenka cusub u magacaabay G/Sare Qaasim Axmed Rooble oo horay muddo dheer u soo hayey xilkaas.
Gashaanle Sadiiq Doodishe iyo afhayeenka cusub Qaasim Rooble ayaa Muqdisho ku qabtay shir jaraa’id oo ay ku shaaciyeen inay ku kala wareegeen xafiiska.
“Shaqadii afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed waxaan hadda si rasmi ah ugu wareejiyey taliyaheyga G/Sare Qaasim Axmed Rooble, xafiiska afhayeenka oo muddo aan ku soo shaqeynayey waxaan galabta ku wareejiyey Korneyl Qaasim,” ayuu yiri Sadiiq Doodishe.
“Shaqo qurux badan oo meel dhexe mareysa ayuu igu wareejiyey afhayeenkii hore, waxaan leeyahay allaha kuu fududeeyo shaqada kale ee taliyaha booliska uu kuu igmaday,” ayuu yiri Qaasim Rooble oo aan shaacin shaqada kale ee loo dhiibay afhayeenka uu xilka kala wareegay.
Qaasim Axmed Rooble ayaa markii labaad noqonaya Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed, sanadihii 2017 ilaa 2019-kii ayuu soo ahaa afhayeenka booliska Soomaaliya.