Waxaa weli isa soo taraya macluumaadka laga helayo toogashadii xalay ka dhacday gudaha xerada Jeneraal Goordan, taas oo lagu laayay saraakiil sar sare oo isugu jiro Soomaali, Imaaraad iyo Baxrayn, sida la xaqiijiyay.
Saraakiisha ku dhintay waxa kamid ahaa Maxamed Mubaarak oo ahaa sarkaalkii ugu sarreeyay Imaaraadka ee haystay amniga iyo tababarada ciiidanka Soomaaliya.
Haddaba waa kuma askariga fuliyay weerarka ka dhacay xerada Jeneraal Goordan?
Magaca askariga ayaa waxaa lagu sheegay Xasan Maxamed, kaas oo deegaan ahaan kasoo jeedo Koonfur Galbeed, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.
Xasan ayaa lagu soo warramayaa in 2021-kii uu kasoo goostay kooxda Al-Shabaab, oo iyadu sheegatay mas’uuliyadda toogashada, kadibna uu mar dambe ku biiray ciiidamada cusub oo uu tababarayo Imaaraadka Carabta.
“Xasan Maxamed oo ah ninka weerarkii xalay fuliyay waxaa laga soo qoray degmada Xudur ee gobolka Bakool, dhawaan ayuu tabbobar ka soo laabtay” ayuu yiri Cali Yare Cali.
Warar kale oo madax bannaan ayaa sheegaya in damaanadda askarigan uu ku qoran yahay xildhibaan Cabdulqaadir Cumar Macallin oo baarlamaanka kasoo galay dhanka NISA.
Lama oga sida ay arrintaan ku suuragashay, maadaama la laayay saraakiil muhiim ah oo isugu jiray Soomaali iyo Imaaraad, waxaase baaritaan deg-deg ah faray madaxweynaha.