Madaxweynaha Janhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho ku booqday dhaawacyada Saraakiisha Imaaraadka ee caawa ku dhawaacmay toogasho uu fuliyey mid ka mid ag askartii layu tababaray Xerada Janaraal Goordan ayaa tacsi u diray dowladda iyo shacabka Isutaga Imaaraadka Carabta.
“Innaa lilaahi wa innaa ileeyhi raajicuun.
Madaxweynaha ayaa si adag u cambaareeyey falkan galaaftay nolasha Saraakiishan wakhtigooda u hibeeyey dadka iyo dowladnimada Soomaaliyeed, isagoo faray laamaha Amniga in ay baaritaan ku sameeyaan dhacdadaas.
“Dawladda iyo Shacabka walalaha ah ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta waxaan uga mahadcelinaynaa garab istaagga joogtada ah ee dib u dhiska iyo horumarinta Soomaaliya, annagoo xasuusnaa doonnaa doorka ay ku garab taagnaayeen dalkeena xiligan adag,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.
Xogta ay Caasimada Online ka heshay weerarkaas waxay sheegeysaa in labo ka mid ah saraakiisha tababarada ee Imaaraadka Carabta lagu dilay weerarka, halka labo kale lagu dhaawacay.
Mid ka mid ah saraakiisha la dilay ayaa ahaa Sarkaalkii ugu sareeyay saraakiisha Imaaraadka ee tababarka ka bixiya Xerada Jenaraal Goordan ee magaalada Muqdisho.
Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkaas, iyagoo sheegay inay beegsadeen taliska saraakiisha Imaaraadka ee gudaha xerada ku yaalla, islamarkaana halkaas lagu dilay 17 sarkaal oo isugu jira Imaaraad, Soomaali iyo kuwo kale oo ka socday wadamo kale, lana shaqeynayey Imaaraadka. Si madax-banaan looma xaqiijin karo sheegashada Al-Shabaab.