Home Wararka Somaliya Galmudug Alshabaab oo Hoobiyayaal ku Garaacay Camaara iyo Dad ku Dhintay

Alshabaab oo Hoobiyayaal ku Garaacay Camaara iyo Dad ku Dhintay

0

Wararka naga soo Gaaraya Degmada Camaara ayaa Sheegaaya in Xalay Saq dhaxe  Dagmada Camaara kooxda Alshabaab  ay hobiyaal ku garaaceen.

Dhimasho iyo Dhaawac ayaa la xaqiijiyay inuu kasoo Gaaray Dad isku Qoys ahaa oo uu Ku Habsaday Hoobiye Gurigeeda Xili ay Jiifeen.

Aabihi iyo Hooyadii Qoyska oo lagu Magaacabi jiray Deex  yuusuf ayaana Halkaas ku Nafwaayay.

Tan iyo Markii Alshabaab laga Saaray Degmada Camaara Waa markii ugu Horaysay oo ay Weerar Kusoo qaadaan.

Alshabaab ayaana Dhawaan Soo Weerartay Magaalada Caad Halkaas oo ay ku Furteen Hub Farabadan Taas oo soo noolaysay Rajadii Alshabaab ee ahayd inay Kusii Dagalamaan Koonfurta Mudug.

Sidaan oo kale Dhawaan ayay Weerareen Deeggaanka Shabeeloow Halkaas oo Dagaal Culus ku dhexmaray ayaga Iyo Ciidamada Darawiishta Galmudug

 

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Si Adag uga Hadlay Wixii ka Dhacay Xerada General Gordan
Next articleWararkii ugu dambeeyay weeraro culus oo ka dhacay Boosaaso

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here