Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo maalmahan ka doodayay arrimo xasaasi ah ayaa ku kala qaybsamay arrinta xuquuqda gobolka Banaadir, gaar ahaan metalaad ay caasimada ku yeelato nidaamka federaalka.
“Gobolkan Banaadir ayaa waxaan ka sameyneynaa maamul goboleed madaxweyne ayaan dooraneynaa ninka hadda joogo Madaale la leeyahay ayaaba madaxweyne ka dhiganeynaa madaxweyne ku xigeenka wa beesha shanaad” ayuu yiri Xildhibaan Jeego.
Intaas kadib waxaa makarafoonka ka daba qaatay xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad oo laga soo doorto Galmudug, wuxuuna gef ku tilmaamay hadalka xildhibaan Jeego.
Dhabancad ayaa shaaca ka qaaday in caasimada la wada leeyahay, wuxuuna ugu baaqay in hadalkaas uu ka laabto xildhibaanka.
“Mudane guddoomiye waxaan u istaagay oo ninkii halkan ka hadlay ugu tegay xildhibaan Jeego ayaa wuxuu ka hadlay caasimada Soomaaliya oo Ummaddii dhan qof walba wax ku leeyahay inuu yiraahd aniga iyo Madaale ayaa qaybsaneyna, waxaan rabaa inta warkaas fidin oo meel dheer gaarin baan rabay inaan u digo oo iraahdo war ka noqo” ayuu yiri.
“Cudur daar uma soo istaaginee xuquuqdeyda deegaan doorashada gobolkan Banaadir waayay, deegaankeygu waa halkan waa laygu yimid, ixtiraamna kuma haysto, maanta haddii uu xildhibaanka ka qayliyay oo uu ixtiraam darro ku timaamay hadalkeyga muxuu wax iigu ogolaan waayay?” ayuu markale ku jawaabay Xildhibaan Maxamuud Cabdulqaadir.