Home Wararka Maanta Baarlamaanka oo ku kala qaybsamay Maqaamka Gobalka Banaadir

Baarlamaanka oo ku kala qaybsamay Maqaamka Gobalka Banaadir

0

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo maalmahan ka doodayay arrimo xasaasi ah ayaa ku kala qaybsamay arrinta xuquuqda gobolka Banaadir, gaar ahaan metalaad ay caasimada ku yeelato nidaamka federaalka.

Xildhibaan Maxamuud Cabdulqaadir Jeego oo furay dooddan ayaa ka dhex sheegay Baarlamaanka inay soo dhisi doonaan maamul goboleed uu yeesho gobolka Banaadir, isaga oo sheegay in madaxweyne looga dhigayo Madaale, beeshiisuna ay qaadaneyso ku xigeen.

“Gobolkan Banaadir ayaa waxaan ka sameyneynaa maamul goboleed madaxweyne ayaan dooraneynaa ninka hadda joogo Madaale la leeyahay ayaaba madaxweyne ka dhiganeynaa madaxweyne ku xigeenka wa beesha shanaad” ayuu yiri Xildhibaan Jeego.

Intaas kadib waxaa makarafoonka ka daba qaatay xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad oo laga soo doorto Galmudug, wuxuuna gef ku tilmaamay hadalka xildhibaan Jeego.

Dhabancad ayaa shaaca ka qaaday in caasimada la wada leeyahay, wuxuuna ugu baaqay in hadalkaas uu ka laabto xildhibaanka.

“Mudane guddoomiye waxaan u istaagay oo ninkii halkan ka hadlay ugu tegay xildhibaan Jeego ayaa wuxuu ka hadlay caasimada Soomaaliya oo Ummaddii dhan qof walba wax ku leeyahay inuu yiraahd aniga iyo Madaale ayaa qaybsaneyna, waxaan rabaa inta warkaas fidin oo meel dheer gaarin baan rabay inaan u digo oo iraahdo war ka noqo” ayuu yiri.

Mar kale xildhibaan Jeego oo soo istaagay ayaa ku adkeystay hadalkiisa, wuxuuna sheegay inuu deegaankiisu yahay gobolka Banaadir, looguna yimid, sida uu hadalka u dhigay.

“Cudur daar uma soo istaaginee xuquuqdeyda deegaan doorashada gobolkan Banaadir waayay, deegaankeygu waa halkan waa laygu yimid, ixtiraamna kuma haysto, maanta haddii uu xildhibaanka ka qayliyay oo uu ixtiraam darro ku timaamay hadalkeyga muxuu wax iigu ogolaan waayay?” ayuu markale ku jawaabay Xildhibaan Maxamuud Cabdulqaadir.

Dooddan ayaa salka ku hayso arrimaha wax ka beddelka dastuurka oo ay si weyn isugu hayaan xildhibaanada, Villa Somalia, mucaaradka iyo hoggaanka sare ee Puntland.
Ad
Previous articleCiidamo Gadoodsan oo La Wareegay Qaybo ka Mid ah Garowe
Next articleDowladaha Soomaaliya iyo Turkiga oo maanta heshiis cusub oo taariikhi ah ku gaaray magaalada Istanbul

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here